Shirkadda Dahab-Shiil Group Oo Kaalin Libaax ka Qaadatay Carwadii 6aad Ee Ganacsiga

0
689

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkaddaha Dahab-shiil Group Oo ka mid ahaa Maal-galiyayaashii Carwada 6aad Ee Ganacsiga Somaliland ayaa si wayn uga dhex muuqday Todobaadkii carwadu socotay kadib markii ay macaamiishooda usoo bandhigeen Adeegyo casriya isla markaana u sameeyeen Qiimo Dhimis Boqolkiiba Konton ah (50% Discount ). Macaamiisha Shirkaddaha Dahab-shiil Group ayaa safaf dhaadheer ugu jiray Gadashada Simkaadhada , Internetka , Adeega ila soo hadal ,Moobilada, Falaashta internetka , Akoonada iyo dhamaanba adeegyada kala duwan Shirkadda Dahab-shiil Group bixiso, Macaamiil badan ayaa iyagu ka faa’idaysanaayay Qiima dhimista wayn Ee Shirkadu kusoo bandhigtay Carwada Ganacsiga Somaliland.

Qaar ka mida macaamiisha shirkadaha Dahab-shiil Group oo aanu kula- kulanay Carwada Ganacsiga ayaa noo sheegay in ay aad iyo aad ugu faraxsanyihiin Qiima dhimista balaadhan ee shirkadda Somtel ugu samaysay adeegyadii ay hore uga isticmaali jireen sida internetka, adeega ila soo hadal iyo waliba Jaaniska shirkadda somtel u siisay macaamiisheeda inay helaan Adeegyo cusub oo loogu sameeyay qiima- dhimis wayn taas oo macaamiil badani uga mahad celiyeen shirkadda somtel iyo Guud ahaan ba Dahab-shiil Group.

Hadaba Maanta Galinkii Dambe ayaa Xaflad balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay lagu soo  xidhay Carwadii 6aad Ee Ganacsiga Somaliland Oo Mudo todoba cisho ah ka socotay Hotel Guuleed Oo ku yaala magaalada Hargeysa , Xafladaas waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Arimaha Dibada , Hogaamiyayaasha Axsaabta Qaranka ,Xildhibaano , Salaadiin, Culimo awdiin, Haween, dhalinyaro iyo Ganacsato aad u badan Oo Ganacsigooda kusoo bandhigay carwadan,.

Xafladaas oo aad u heer-saraysay waxa ay Rugta Ganacsigu Shahaado Sharaf ku Maamuustay Shirkadda wayn Ee Dahab-shiil Group Oo Kaalintii ugu waynayd ka ciyaartay Mudadii ay Carwadu socotay Waxaana u gudoomay Shahaado sharaftaas Madaxa Xidhiidhka Dadwaynaha Shirkadda Somtel Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi.

Dhinaca Kale Shirkadda Dahab-shiil Group waxa ay Shahaado sharafyo  Mahad-naq ah ku maamuustay Rugta Ganacsiga Somaliland, Saxaafada Somaliland iyo Mulkiilaha Hotel Guuleed  Oo Dadaal wayn Galiyay Qabsoomidda iyo habsami u socodka Carwada 6 aad Ee Ganacsiga Somaliland

Ugu Dambayntii Shirkadda Waddaniga ah Ee Somtel sidii horeba looga bartay waxa ay macaamiisheeda u samaysay bakhtiyaa nasiib lagu helaayay Laptops, Smart Phones iyo Edge Modem ka ama Falaashta internet ka lagu isticmaalo halkaas oo masraxa laga yeedhiyay 12  –kii Qof Ee Ku Guulaystay Abaal marintan Qaaliga ah Oo ay shirkadda somtel ugu tala gashay In ay Macaamiishooda Carwadii Wax ka iibsatay uga dhigaan Mahad celin , Soo dhawayn iyo waliba inay la qaybsadaan farxada iyo Faa’idadii shirkaddu Gaadhay.