Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Madaxda Shirkadda DNO Ee Shidaalka

0
583

Hargeysa(Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland,. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay  Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay  Madaxda mid ka mid ah shirakadaha heshiiska shidaal baadhista ah la galay Dawladda Somaliland.

Madaxda shirkadda DNO oo socdaal ku yimi Somaliland,ayaa kulan kula qaatay Madaxweyaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda .

Kulanka ay Madaxda shirkaddu la yeesheen Madaxwaynaha ka dib, ayaa waxa saxaafadda la hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Wasiirka Madanta iyo Tamarta, waxayna faahfaahiyeen nuxurka kulanka dhex maray Madaxwaynaha iyo Madaxda shirkadda DNO.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Maxamed Biixi Yoonis, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa shirkadda DNO oo la siiyay (Block 18), waxaanu soo dhaweynaynaa Madaxda shirkadda oo aanu filayno inaanu si wanaagsan ula shaqeyno, wasiirkeena Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale-na si wanaagsan ula shaqeeyay, aad-baanu u soo dhaweynaynaa, waxaanu aaminsanahay, iyaguna aaminsan yihiin in batroolka iyo shidaalka ku jiraa uu yahay ka meel sare ina gaadhsiinaya”

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo ayaa isaguna sheegay “Shirkadda DNO maaha shirkad innagu cusub, waa shirkad aynu heshiis la saxeexanay, waxaanuna kula saxeexanay Washington DC, intaanu way soo diyaar-garoobayeen, shirkadduna waa shirkad Norwayjiyaan ah, laakiin waxay ka shaqeyso Khaliijka iyo Waqooyiga Afrika, waxayna wadataa iskaashato kala shaqeynaysa Block 18 oo 40% leh, imikana shirkaddu way soo degtay dalka, waxayna doonaysaa inay u diyaar-garowdu hawshii, laba bilood horteed ayay dalka xafiis ka furatay, Maareeyihii dalka u matalayeyna wuu ina joogaa, Xuseen Jaamac Diiriye, markaa maanta waxay dalka u yimaadeen inay Madaxwaynaha soo salaamaan oo ay u sheegaan inay diyaar u yihiin shaqadii hore ka bilaabaan” ayuu yidhi