Jabhadda ONLF Oo Dad Ganacsato Ah Laysay

0
629

Picture3Daroor(Geeska)-Kooxo hubaysan oo ka tirsan jabhadda ONLF ayaa dishay saddex muwaadin oo u dhashay deegaanka Somalida Itoobiya, kuwaas oo ahaa ganacsato safar u siday deegaano ka tirsan kililka shannaad ee Itoobiya.

Maleeshiyaadkaas ayaa habeen hore saddexdaas nin u galay jid goyn, waxaanay ku fureen rasaas, iyagoo saarnaa gaadhi u rarnaa oo ku socday deegaanka loo yaqaan Digta oo ka tirsan gobalka Dhagax buur. Dilkaas foosha xun ayaa ka dhacay deegaanka loo yaqaano qotomaley oo u dhexeeya Nus-dariiq iyo daroor. Ka sakow dadkan dhintay waxa kale oo ay dhaawacyo soo gaadheen qaar ka mid ah dadkii saarnaa baabuurkaas.

Ma aha Markii u horreysay ee jabhadda ONLF ay bartilmaameedsadaan dadka shacabka ah iyo gaadiidkooda, waxaanay dhawr jeer oo hore geysteen weeraro khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.