Shirkadda ANDNOC Oo Somaliand ku Soo Bandhigtay Saliidaha Tayada Leh Ee Ay Soo Saarto

0
528

Hargeysa (Geeska)-Shirkada  ADNOC oo ah shirkada kaliya ee dalka Imaraadka ee soo saarta Badroolka iyo Saliidaha Gawaadhida ayaa soo bandhigtay Saliidaha iyo waxyaabaha kala duwan ee ay soo saarto.

1

Carwo  lagu soo bandhigay adeegyada Shirkada ADNOC oo  si weyn loo soo agaasimay oo shalay ka furantay Kaah Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wakiilka Shirkada ADNOC ee Somaliland iyo Somaliya Axmed Aadan Warmahaye, Farsamayaaqanada Birta iyo Gaadiidka, Macaamisha kala duwan ee Shirkada, iyo marti sharaf aad u tiro badan. 

Wakiilka Shirkada ADNOC ee Somaliland iyo Somaliya Axmed Aadan Warmahaye oo isagu ugu horeyn furitaankii Carwada ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey wakhtigii la aasaasay Shirkada, Saliidaha kala duwan ee ay soo saarto iyo tayada Saliidaha, waxaanu yidhi  “Shirkada ADNOC, waa shirkada kaliya ee Imaraadka ee soo saarta saliid, waxaana hoos yimaada sagaal shirkadood oo saliida soo saara, Imaraadkuna waa shirkada kaliya ee uu leeyahay, ee Dhaqaalaha Imaaradka oo dhami ku xidhan yahay, waxeeduna waa wax tayo leh, waana Shirkada kaliya ee ku leh damaanad baan ku siinayaa, Gaadhi ha noqdo ama Cagaf  ha noqdo wixii wax ku noqda ay Shirkadu qabto, oo bedelkiisa lagu siinayo wax cusub, laakiin marka hore waa inuu Gaadhigagu ahaada Gaadhi cusub ama wax nadiifa uu ahaada, waxa jira shirkado badan oo yidhaahda waa Shirkadaha Badroolka ka soo saara Imaaradka ma jirto Shirkad Baadrool  soo saarta oo iibin karta oo aan ahayn ADNOC, Shirkada waxa la aasaasay 1958-kii, ilaa imikana wey shaqeeysa”.

Wakiilka Shirkada ADNOC ee Somaliland iyo Somaliya Axmed Aadan Warmahaye ayaa sidoo kale ka hadlay qaybaha kala duwan Saliidaha ay hayaan,  Giraamyadooda iyo waxyaabaha loo isticmaalo, waxaanu sheegay inay hayaan Saliidaha, Badroolka, Xaydha iyo qaybaha kala duwan ee la xidhiidha, waxaanu xusay inay tayadoodu aad u wacan tahay, waxaanu sheegay in loo isticaamaalo qaybaha kala duwan ee Gaawadhida, Cagaf-yada, Mishiinada iyo wixii la hal maala.

Xoghayaha bah-wadaagta farsamada birta iyo gaadiidka Somaliland Maxamuud Cabdiqani Aadan oo isna Carwadan ka hadlay ayaa u mahadnaqay Shirkada ADNOC, waxaanu sheegay in Salaadihii kala duwan ee ay soo saarto Shirkadani ay yihiin qaar wax-tar u leh gaadiidka, waxaanu si gaar ah ugu mahadceliyey Wakiilka Somaliland iyo Somaliya ee Shirkadan Axmed Aadan Warmahaye, oo uu sheegay inuu horumarka dhaqaalaha ee dalka ka qayb qaadanayo, madaama uu Shirkad caalamiya dalka uu keenay.

Rashiid Xuseen Cige oo isna ku hadlaayey magaca Farsamayaqaanada Gaadiidka, isla markaana ka socday mid ka mid ah  Geerashyada, ayaa sheegay in Shirkada ADNOC, ay tahay Shirkad caalamiya, in adeegyada kala duwan ee ay bixiso ee ay ka mid yihiin Saliidaha ay soo saarto in dalka la keeno uu aad ugu faraxsan yahay, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Wakiilka Shirkadan, waxaanu xusay in Saliidaha ay soo saartana yihiin qaar tayo wanaagsan leh.

Dhinaca kale carwadaas waxa lagu soo bandhigay Film Dhukumentari ah  oo ka hadlay marxaladihii kala duwan ee ay Shirkadani soo martay, halka ay maanta marayso iyo horumarka ay ku talaabsatay.