Salaadiinta Gobalka Hawd Oo Cirro Qalbi Furan Kaga Qaabilay Guddoomiyenimada Xisbiga Waddani

0
469

Hargeysa(Geeska):-Haldoorka madax dhaqameedka beelaha gobolada Hawd Iyo Hargeysa ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhawaaqii ka soo yeedhay gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ee la xidhiidhay inuu hogaanka xisbiga Waddani ku wareejinayo beelaha dega gobolada Hawd iyo Hargeysa.

1

Salaadiintan oo shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay gudoomiye Cirro uga mahad celinayaan go,aanka uu qaatay ee uu beelaha gobolada Hawd iyo Hargeysa ugu wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Waddani.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdilaahi oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inay gudoomiye Cirro uga mahad celinayaan hadalkii uu ku sheegay inuu beesha gobolka Hawd ku wareejinayo gudoomiyaha xisbiga Waxaanu yidhi “Waxaanu iskugu nimid inaanu ka mahad celino eraygii ka  soo yeedhay gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ee ahaa inuu hogaamiyaha xisbiga ku wareejin doono beelaha gobolka Hawd, gudoomiye waxaanu kaaga mahad celinaynaa garashadaada dheer ee aad nagu ixtiraamtay  anaga oo aan olole ka galin inaad reerkaas gobolka Hawd ku wareejiso gudoomiyaha xisbiga Waddani maadaama oo aad musharaxii u diyaar garoobayso, maadaama oo aad qabiil siisay qabiil ahaan ayaanu kuugu mahad celinaynaa, waxaanu kula garab istaagaynaa hiil iyo hooba maadaama oo aad na xurmaysay, wax qoraal ah oo cad oo la wada ogyahay ayaanu kuugu mahad celinaynaa marka ay halkeeda gaadho ee hadalkuna fulo.”

Sidoo kale Suldaan Cabdilaahi Axmed Cilmi oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu yidhi “gudoomiyaha xisbiga Waddani waanu ka gudoonay inuu ku dhawaaqo in gudoomiyaha uu nagu soo wareejinayo arintaasina waa guul u soo hoyatay xisbiga Waddani.”

Ugu danbayn suldaanka guud ee beelaha gobolka Hawd Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inuu dhawaaqa gudoomiye Cirro tusaale u yahay siyaasiyiinta kale waxaanu yidhi “Salaadiintu arinkan ay ka dhawaajiyeen waan ku waafaqsanahay aadna waanu u soo dhawaynaynaa, Afrikaan waxa la arki jiray marka uu boos qabsado ku dhaganaada oo yidhaahda kama kacayo laakiin waa wado cusub oo uu furay markii uu yidhi kuraasida hala baneeyo aniguna  kayga waan banaynaynaa oo waliba deeq ayaan u bixinayaa oo reerkaas ayaan u hibaynayaa aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa waanan soo dhawaynaynaa waanan kaa gudoonay ayaanu leenahay gudoomiye, odayaasha dhaqanka iyo anaguna waxaanu diyaar u nahay inaanu wixii toosin ah iyo talo ah la barbar istaagno.”