Shirkadaha Laydhka Oo ka Hadlay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Shidaalka Wasakhaysan

0
748

 

lightHargeysa(Geeska) Shirkadaha Laydhka Somaliland ayaa shalay soo bandhigay khasaaraha ka dhashay shiidaal wasakhaysan oo ay isticmaaleen oo Dalka La keenay iyaga sidoo kalena xukuumada u soo jeediyey in ay guddi u saarto baadhista khasaaraha soo gaadhay iyo cida shidaalkaas keentayba Dalka eek u Shubtahay Hamaha Shiidalka ee Maglada Berbera.

 

Shirkadaha Laydhka Somaliland oo shalay shir jaraa,id ku qabtay xafiiskooda magaalada hargeysa ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay shidaalkaasi uu gaadhay ilaa madaxtooyada Somaliland waxaanay xukuumada ugu baaqeen in ay Talaabo ka qaado Shirkadii keentay Shidaalkaasi Khasaraha weyn Qaranka Somaliland u geystay

Shirkaasi jaraa,id ayaa waxa ka soo qayb galay la taliyaha guud ee shirkadaha laydhka Somaliland Cabdi Cali Barkhad, Maareeyaha shirkada  KAAH  ee Hargeysa  Ibraahim Macalin Aaden, Gudoomiyaha shirkada kaah ee Ceerigaabo iyo Burco, Maxamuud Axmed liibaan, Gudoomiyaha Shirkada AFGAL  Maxamed C/raxmaan Faarax, Maareeyaha shirkada soltelco Axmed Cabdi Faarax.

Ugu horayn  waxaa madashaasi ka hadlay lataliyaha guud ee shirkadaha laydhka ee Somaliland Eng. cabdi Cali Barkhad isaga oo faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay shidaalkaasi sheegayna inay sharciga la tiigsan doonaan Cidii shidaalkaasi keenatay Dalka waxana hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa jirta shidaal la keenay Dalka oo shirkaduhu ay keeneen anagu shirkad keentay ma garanayno waayo meelbaa lagu wada shubaa marka meel lagu wada shubo haamahaas ayaa laga istmaalaa, markaa sidaalkaasi dhamaantayo shirkadaha laydhka ee dalkoo dhan wuxuu soo gaadhsiiyey khasaare aad u balaadhan oonu doonayno inaanu ku dacwayno iyo hantiida kaga burburtay shirkadohoo dhan inaanu ku dacwayno oonu looyar u qabsano oonu dawlada magan uga nahay” ayuu yidhi cabdi cali barkhad.

Wax kale oo intaasi uu  raaciyey “Shirkada Kaah wax ay soo Qubtay 12,000 oo Litir oo shiidal ah, marka Kaah way khasaatay shirkadii shiidalka keentayna way faa’iiday, runtii shirkadaha oo dhami waxanu nidhi soo qorta khasaaraha idin soo gaadhay, marka waa in ay Xukumadu cid dhabarka ay khasaarahaasi u saarta, Waad ogtihiin in khasaaarihii ka dhashay shiidalkaasi uu galay Madaxtooyada oo ay xumanayaan baabuurtii madaxtooyada.”Ayuu yidhi.

Maareeyaha shiirkada Kaah ee Hargeysa Ibraahim Macalin Aaden oo ah shirkada ugu weyn dhinca laydhka Somaliland oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Wax uu  Hoosta ka Xariiqay Khasaarihii laxaadka lahaa ee soo gaadhay Shirkadaha Laydhka ee Somaliland ka shaqeeya, isaga oo Xusay in loo bahan yahay in Xukumadu guddi u saarto Shirkadii dalka soo galisay shidaalkasi si ay u bixiso magdhawga khasaarihii ka dhashay shidaalkasi, isaga oo intaasi raaciyey in maamulka Hamaha shiidalku garanayaan cidii keentay shidaalkasi.

Wax uu hambalayo balaadhan u soo jeediyey hay,ada quality control ee Somaliland oo uu sheegay  in ay iyadu ka hadashay arintaasi oo sheegtay in shiidalkaasi yahay mid dhibaato weyn dalka u keenay.

Guddomiyaha Shirkada Afgal Maxamed C/raxman Faarax  iyo Gudoomiyaha shirkada Kaah  ee Burco iyo Ceerigaabo Maxamuud Axmed liibaan oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay  khasaare aan lakoobi karin kasoo gaadhay shidaalkaasi dhamaan shirkadaha laydhka ee Somaliland sidoo kalena digniin culus u diray xukuumada in ay sida ugu dhakhso badan u daba gasho cidii shidaalkaasi wadanka keentay.