Laba Wasiir Iyo Taliyaha Badda Oo Ka Waramay Socdaal Ay Ku Tageen Gobalada Bari Ee Dalka

0
686

 

laba wasiirHargaysa( Geeska)-Wafti uu hoggaaminaayay wasiirka wasaarada maaliyada isla markaasna ay kamid ahaayeen wasiirka kaluumaysiga iyo taliyaha ciidamada badda, ayaa ka warbixiyay safar qaatay muddo todaba casho ah oo ay ugu baxeen gobalada bariga Somaliland.

 

Waxaanay masuuliyiintan sheegeen in safarkoodu uu salka ku hayay sidii ay u soo indho indhayn laahaayeen xaalada deegaandaaas, isla markaasna sare loogu qaadi lahaa dakhliga wasaarada maaliyada, looguna kuurgali lahaa baahiyaha horumarineed ee ay deeganadaasu qabaan.

Masuuliyintan saddexda ah oo kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee deeganada ay marayeen iyo ciidamada badda ee bariga Somaliland  oo ay ka marag kaceen hawlgalada xoogan ee ay ka hayaan deegnada bariga Somaliland oo ah dhul ay soo gaadhaan doonyo kaluumaysi oo sharcidaro ah iyo budhcadbadeedba.

Wasiirka wasaarada maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isagu deegaanada ku teedsan Berbera iyo gobalka Sanaag ku tilmaamay inay yahiin kuwo khayraad badan oo aanay ku noolayn dad tiro-badan una baahan in khayraadka deegaanadaas laga faa’idaysto, isla markaasna ku taliyay sidii khayraadka bada iyo bariga deeganadaas ku duugan looga faa’idaysan lahaa.

Ugu horeyn Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) oo halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ayaa ka waramay nuxurka safarkoodan iyo wakhtiga uu qaatay, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Safarkani waxa uu qaatay muddo toddoba cisho ah, waxaanu ahaa nuxurkiisu in saddexdayadan hay’adood ee wasaaradda Kalluumaysiga, Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Wasaaradda Maaliyadu mid aanu guud ahaan eegayno xaalada xeebahaa bariga inaga oo aan lahayn wadooyin caadi ah oo la maro, kuwaasi oo aad moodo inay dhulka go’doon ka yihiin, taasi oo aanu doonayno inaanu xukuumadd ahaan xaaladooda eegno, ta labaadna waxu uu ahaa safarkayagu inaanu hawlahooda u gaarka ah iyo kuwa ay ku wada socdaan inaanu eegno sida ay u socdaan, waxaana imika soo socda sanad miisaaniyadeedkii cusbaa, taasi oo wakhtigii ay xukuumadda iyo wasaaradduhu sanad miisaaniyadeedkeeda soo hoynayaan, waxaanu qorshuhu ahaa in sanadkan lagu darro mashaariic horumarineed iyo kobcinta dhaqaalaha, lana bar tilmaameedsado wax soo saarka ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, waxaananu soo aragnay ciidankii Ilaalada xeebaha oo meel kasta oo xeebta ah jooga iyo dadka halkaasi ku nool oo dadkooda iyo dalkooda jecel, iyaga oo aad hadana moodo inay si uga go’an yihiin, wixii aanu isla garanayeyna si wanaagsan ayaanu uga balanay, waxaanu golaha wasiirada ugu soo bandhigi doonaa shirkooda marka la qabto”.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Axmed Sheekh Cismaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay ciidanka Ilaalada xeebaha iyo hawlaha ay ka hayaan deegaanada ay soo mareen, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxa muhiimadaha weftigu uu socdaalka uu u galay ka mid ahaa indho indhayn iyo u kuur gal uu u kuur galo ciidamada ilaalada xeebaha oo u xil saaran ilaalada xeebaha Somaliland, taasi oo loo kuur galayo ilaalinta xeebaha, xaaladooda nololeed, awoodooda iyo sida ay yihiin in la eego, xeebteenuna waa xeeb dheer.

Ciidanka Bariga joogaana waa ciidanka culayska ugu weyn ee ilaalada xeebuhu ku dhaco, waana kuwa budhcad badeeda ugu badan soo qabta”.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey safarkoodan iyo waxyaabihii ay kala kulmeen, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in dhulka xeebaha bariga Somaliland laga sameeyo adeegyada bulshada.

Wasiirka maaliyada Cabdicasiis  Maxamed Samaale oo ka warbixinaya safarkoodan iyo waxyaabihii ay kala kulmeen waxa uu yidhi “Safarkani waxa uu xidhiidh la lahaa mid saddex bilood ka hor ay saddexdan hay’adood ku tageen gobolada galbeedka Somaliland, safarkayagan oo qaatay muddo todoba maalmood iyo sideed habeena , waxa ay ujeedadiisu ahayd inaanu ogaano xaqiiqada dhabta ah ee deeganadaasi ka jirta khayraadka yaala sidii looga faa’iidaysan karo iyo baahida halkaasi jirta waxa aynu ka qaban karno, sida dakhliga dalku kor ugu kici lahaa nolosha dadkaana aanu u ogaan lahayn, waxaanu soo aragnay deegaano iyo xeebo u baahan in wax laga yagleelo, kuwaasi oo dad yari ay degan yihiin khayraad badana leh”.