Shirkada Ultimate Air Oo Soo Kordhisay Diyaarad Cusub Oo Qaadaysa Rakaab Tiro Badan

0
457

 

Hargeysa( Geeska )-Wasiirka duulista iyo hawada Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xadhiga ka jaray duulimaadyada shirkada Ultimate Air oo u kala gooshi doonta dalka gudahiisa iyo dalka Jabuuti.Shirkada Ultimate Air ayaa soo kordhisay diyaarad ka weyn tii ay hore mudada ugu soo shaqaynaysay oo qaadi jirtay sagaal qof oo rakaab ah, waxaanay diyaaradan cusub ee xadhiga laga jaray ay qaadi doontaa sagaal iyo toban rakaab ah iyo waliba alaabta kaargooga ah.Isla markaasna waxay u kala gooshi doontaa inta badan gobalada dalka iyo duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagi doonto dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti.

Xaflad kooban oo xadhig ka jarida diyaaradan cusub loogu qabtay barxada madaarka Cigaal waxa ka soo xaadiray maamulka Shirkada Ultimate Air, wasiirka duulista iyo hawada iyo marti sharaf kale.

Wasiirka duulisata Mxamuud Xaashi ayaa markii uu xadhiga ka jaray diyaaradan cusub ee Shirkada Ultimate Air, waxa uu soo dhaweeyay duulimaadyada shirkadan isaga oo aad u amaanay qaybtooda ku waajahan dalka gudihiisa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Shirkada Ultimate Air waa shirkad ku soo biirtay shirkadaha ka ganacsada hawada Somaliland, waxaanay mudnaan ku leedahay oo ay shirkadani gaar ku tahay iyada oo daboolaysa adeegyo aad loogu baahnaa gaar ahaan in layskaga goosho gobolada Somaliland ee madaaradooda dib loo furay sida Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo Iyo Laascaanood waxanaay  sahli doontaa isku socodka dalka gudihiisa.Xukuumadana runtii adeegani mihiimad weyn ayuu ugu fadhiyaa, waan soo dhawaynaynaa, waan taageeraynaa, waan dhiiri gelinaynaa wixii xukuumad ahaan nagaga beegana waanu u fududayn doonaa.”

Intaas ka dib waxa warbaahinta hadal kooban ka siiyay Shirkada Ultimate Air iyo dayuuradan cusub ee ay soo kordhiyeen agaasimaha shirkadaas Geele Cismaan Geele, waxaana hadaladiisa ka mid haa  “ Waxaanu  halkan ka furnay duulimaad cusub oo shirkada Ultimate Air ay ka bilawday Hargeysa ilaa Jabuuti  oo diyaarad cusub oo timid ay fulinayso, hore waxaanu u samaynay saddex bilood oo tijaabo ah imikana tijaabadii way ka baxday  markaa waxaanu bilawnay duulimaadyo cusub oo joogto ah kuwaas oo iskaga gooshi doona Hargeysa  iyo jabuuti haday noqoto rakaab  iyo haday noqoto kiro gaar ah iyo haday noqoto kaargooba, dadweynahana waxaanu ugu bushaaraynaynaa in waxii adeeg ah ee ay diyaaradan uga soo baahdaan ay u fulinayso, waxaanan u mahadnaqaynaa cidkasta oo ka soo qaybgashay furitaankan.”

Waxa xusid mudan in maamulkan shirkadu uu sheegey inay diyaaradu qaadi doonto marka rakaabka laga tago alaabooyinka kaargooga ah oo ay ka soo qaadi karto dalka Jabuuti islamarkaana ay gayn karto.