Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Saddex ASkari Oo Loo Haysto Dilkii Marxuum Naasir Cawil

0
632

 

fadalHargeysa( Geeska )-Taliyaha ciidamada booliska sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal iimaan, ayaa si rasmiya u sheegay inay maxkamada hor geeyeen isla markaasna ay xabsiga dhexe ee Hargeysa ay u gudbiyeen saddexda askari ee loo haysto dilkii dhawaan Alle haw naxariiste ku toogteen Marxuum Naasir Cawil Axmed-xajiin.

Waxa uu sidan u sheegay taliye Cabdilaahi Fadal mar uu shalay hortagay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada, waxaana isagoo ka jawaabaya su’aal ay mudanayaashu ka weydiiyeen dilka Marxuum Naasir loo gaystay, laguna dhaawacay wiil kale, uu ku jawaabay  “ Falkaasi waa uu dhacay nasiib wanaagna saddexdii askari ee gaystay dilka iyo dhaawaca ka dhacay degmada Axmed Dhagax  gacantaanu ku dhignay saddexdiibana sharciga ayaanu hor gaynay isla shalay  ( Doraad ) ayaana xabsiga dhexe ee Hargeysa loo gudbiyay, waajibkii naga saarnaana waanu marinay, waana dhacdo dhacay.”

Mid ka mid ah saddexdaas askari ayaa toddobaadkii hore toogtay Marxuum Naasir Cawil Axmed, halka ay dhaawaceen wiil kale oo magaciisu yahay Cabdikariim Dugulo.