Maxkamadda Sare Ee Kenya Oo Amartay In Dib Loo Tiriyo Qaybo Ka Mid Ah Doorashadii

0
539

 

Nayroobi (Geeska/DN)- Maxkamada sare ee Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii 22 goob doorasho, guud ahaana, hubin lagu sameeyo codeyntii Madaxweynaha foomamkii lagu qoray natiijooyinka guud ahaan goobahii laga codeeyey oo gaadhayey 34 kun.

Go’aanka maxkamada sare oo ka dambeeyey dacwad raysal wasaarahii hore Raila u gudbiyey, ayaa la sheegay in hawsha dib u tirinta la bilaabi doono maanta 8 aroornimo.

Gudoomiyaha maxkamada sare Kenya, Smokin Wanjala ayaa sheegay in sababta dib u tirintu tahay sidii loo hubin lahaa inaan tirooyinka la codeeyey ka badan tiradii dadka la diiwaangeliyey. 

Gudoomiye Wanjala, ayaa sidoo kale amray in natiijada 22 goob doorasho lagu soo xereeyo diiwaanka maxkamada sare arbacada 4 galabnimo.

Maxkamada ayaa amartay in dhamaan wakiilada dacwoodayaasha iyo kuwa la dacweynayo ay hadaladooda ka hor maraan dhaarta sharciga ah, waxaanay isku minguuriyeey saddex dacwadoood in mid keliya laga dhigo.

Lixda garsoore ee Maxkamada sare ayaa ilaa sabtida haysta inay go’aaminaan in Uhuru Kenyatta loo aqbalo madaxweyne, ama in doorashooyin cusub la qabto, xilli weli shacabka Kenya xusuusan yihiin shaqaaqooyinkii dhimashada keenay ee ka dhacay doorashooyinkii shan sannadood hortood.

Maxkamadda sare ayaa ku amartay koomiishanka doorashooyinka Kenya inay keenaan liiskii diiwaangelinta cob-bixiyeyaasha ay u adeegsadeen codeyntii madaxtooyada, ka dib markii qalabkii elektroonigu xumaaday. “Waxaan ku amraynaa IEBC inay keenaan diiwaanadii ugu muhiimsanaa ee diiwaangelinta codeeyaasha dhamaantood,” ayey sheegtay Garsoore,Njoki Ndung’u.

Odinga  ayaa sheegay in codeyntii dhowaan dhacday wax is-dabamarin badan ka dhacday, ka mid tahay liiska diiwaangelinta, lambaradii codeeyaasha oo la buunbuuniyey, iyo karti daro ay sameeyeen koomiishanka doorashooyinku.

Waxaanu kula dardaarmay taageerayaashiisa inay is-dejiyaan ilaa maxkamadu go’aan ka soo saaayso, wiiga soo socda.

Go’aanka maxkamada sare ayaa labadii dhinac ee dacwadeeda isku hayey mid walba dhinaciisa werwer ugu abuuray, una dhegtaagayaan natiijada kama dambaysta ee sabtida ku dhawaaqi doonto.