Shaqaale Dawladeed Oo Loo Soo Xidhay Tababar Afar Bilood U Socday

0
585

Picture1

Hargeysa (Geeska)-Sodon Xubnood oo ka tirsan Shaqaalaha Dawladda, kana hawl-gala  Waraaddaha dalka, oo muddo afar bilood ah baranaayey Tababar ku saabsan Xog ururinta, Qorsheynta iyo Kobcinta adeegyada kala duwan ee Hay’addaha kala duwan ee Dawladdu u qabto Bulshada, ayaa  dhamaystay Tababarkii.

Munaasibadii xidhitaanka Tababarkan oo ka dhacday Machadka Tababarka Dawladda ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Sacad Cali Shire, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof Maxamed Mixile Boqore,oo hore u ahaa Agaasimaha Machadka Tababarka Dawladda, Masuuliyiin ka socda Hay’adda UNICEF, Shaqaalihii Tababarkan dhamaystay iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Prof Maxamed Mixile Boqore, oo horena u ahaa Agaasimaha Machadka Tababarka Dawladda oo isagu Munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay in koboc ku yimid Shaqaalaha Dawladda, waxaanu tilmaamay in Tababarkani qiimo aad u balaadhan u leeyahay Shaqaalaha, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya  “Waxa aan odhan karaa arin xasuus gaar ah ku reebtay, Mashruuc loo baahnaa ayuu ahaa, Qorsheyntii Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumaddan Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), hogaamiyo, ee Sacadna uu qeybtaas ka hogaaminayo, waxa aad mooda inay xoog u dhaqaaqday, aadbaan idinku mahadnaqayaa, sodon xubnood oo ka kala socda 26-Wasaaraddood, wixii aad ugu talasheen ee Qorsheyn ahaa wey ku hubaysan yihiin”.

Wasiirka Qorsheynta oo isagu Munaasibadaas ka hadlay ayaa dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey Shaqaalahan Tababarka dhamaystay, waxaanu ugu baaqay inay   “Idinka ayaan idin hambaliyeynayaa, aad ayaad u nasiib wanaagsan tihiin, runtii Duruus aad iyo aad u qiimo badan ayaa la idiin dhigay, haddii aad doonyso inaad qaadato go’aan ku salaysan xaqaaqiga, waxa aad u baahan tahay xog badan, qorshahana waxa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo hiigsigeena ama himiladeena, waxa aanu leenahay waxa loo baahan yahay qorshe la fuliyo, Wasaaradda Qorsheynta garbaha ay ku duulayaan waa idinka, idinka ayaa jooga xogta halka ay tiilay, xogta laba siyaabood ayaa loo soo qaada midi waa diiwaanka, oo waa xog la diiwaangeliyey, midna waa xog sahan lagu helay, ta idinka la idinka baahan yahay oo inta badan aanu ururina waa ta diiwaanada laga soo guuriyo”.

Marwo Nafiisa Maxamuud Xuseen oo iyadu ka mid ahaa Shaqaalihii Tababarkan dhamaystay, isla markaana ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyana Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warantay Tababarkani qiimaha uu lahaa iyo waxyaabihii ay ka faa’ideen, waxayna tilmaamay in hawlahooda shaqo ay ku dabaqayaan duruuska ay qaadeen.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Mustafe Axmed Maxamed, oo ah Masuul ka tirsan Machadka Shaqaalaha, Axmed Cabdilaahi Nadiif iyo Masuuliyiin kale, waxayna dhammaantood ku dheeradan qiimaha uu Tababarkani leeyahay, waxayna ku dhiirigeliyeen Shaqaalihii Tababarkan qaatay inay hawlahooda shaqo ku dabaqaan.

Ugu dambayntiina Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Sacad Cali Shire iyo Prof Maxamed Mixile Boqore, ayaa si wada jir ah Shahaadooyinkii u siiyey Shaqaalaha Wasaaraddaha Dawladda ee Tababarkan dhamaystay.