Shirkada Lucky star Oo Shahaado Sharaf Ku Maamustay Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaheeda

0
622

Hargeysa (Geeska)-Shirkada dhismaha ee Lucky star oo ka mid ah Shirkadaha Dhismaha ee dalka, isla markaana ka mid ah shirkadaha hormoodka ka ah shirkaddaha sida tayada leh wax u dhisa, ayaa waxa Maamulka Shirkada Dhismaha ee Lucky star   shahaado sharafyo ku maamusay isla markaana gudoonsiiyey qaar ka mid ah shaqaalaha Shirkada  oo ku mutaystay shahaado sharafyadan hawlkarnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo ay muujiyeen, waxaana munaasibadii  shahaadooyinkan lagu gudoonsiinayey Shaqalaahan oo si weyn loo soo agaasimay ka soo qayb galay masuuliyiinta, injineerada, shaqaalaha Shirkada Dhismaha ee Lucky star iyo marti sharaf aad u tiro badan,waxaana shaqaalihii la gudoonsiiyey Shahaado sharafta ee maamulka Shirkadu ku maamuustay ay kala yihiin

1

1-Axmed Cali Siyaad,

2-Cabdi Muxumed Geelle,

3-Eng: Cabdikariin Cabdilaahi Ayaanle,

 4-Eng: Mikiyas Seyoum Kumsa (Miki)

5-Axmed Maxamed Cabdilaahi,

6-Imaan Daahir Axmed

 7-Axmed Maxamed Cabdilaahi (Axmed Fool),

8-Baashe Aadan Faarax,

9-Cabdilaahi Faarax Ibraahim .

Dhinaca kale Shirkaadan Lucky star ayaa waxa la aasaasay Sannadkii 1991-kii, mudadaas ay shirkadu jirtay waxay la soo jaanqaaday dib u dhiskii iyo dib u yagleelidii nolosha iyo magaalooyinkii ku dumay dagaaladii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhismayaasha Shacbiga ah iyo kuwa dawladda ee shirkadu dalka ka fulisay waxa ka mid ah dhismayaasha iyo dayactirka baananka gobolada dalka, xarunta guud ee shirkada Somcable, xarunta guud ee Sacadadiin, xarunta guud ee Sonyo, Dalab building, Abaarso Tech Compound, Gaafane Fuel station, National Fuel station iyo Dhismayaal badan oo ku yaala dhammaan Gobolada dalka Somaliland.