Xildhibaan Kijaandhe Oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Dekedda Berbera

0
432

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe ayaa markii ugu horaysay ka hadlay heshiiska dekedda Berbera ee uu Madaxweyne Siilaanyo la saxeexday dalka Imaaraadka Carabta.

1

Xildhibaan Kijaandhe, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo heshiiskaas, oo uu tilmaamay inuu ahmiyad u leeyahay horumarka dhaqaale iyo siyasadeed ee Somaliland. “Waan soo dhawaynayaa heshiiskaas maalgashi ee dekedda Berbera, waxaanan u arkaa guul u soo hoyatay qaranka Somaliland, waayo maalgashigu wuxuu kobcinayaa dhaqaalaha iyo siyaasadda Somaliland, waanan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha Somaliland heshiiskaas ku saabsan dekedda Berbera ee maalgashiga ah.” ayuu yidhi Kijaandhe, waxaanu farriin u diray siyaasiyiinta ka hortimid heshiiskaas, “Heshiiskani maaha mid cid gaar ahi leedahay ee waa mid dan u ah qaranka Somaliland, waxaanan saaxiibadayda heshiiska diidan ugu baaqayaa inay ka eegaan danta qaranka, waayo wuxuu heshiiskani dan u yahay horumarka aynu hiigsanayno, waana heshiis mudan in la bogaadiyo oo la soo dhaweeyo.”

Xildhibaan Kijaandhe, wuxuu ugu dambayn sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku bogaadinayo heshiiskaas, “Waan ku bogaadinayaa madaxweynaha hirgelinta heshiiskan, waayo waa heshiis horumar oo wax weyn u soo kordhinaya dhaqaalaha Somaliland.” ayuu yidhi.