Wasiirka Daakhiliga Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Saska Ay Shacabku Ka Qaadeen Ciidamada Gaarka Ah Ee RRU-da

1
667

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horaysay ka jawaabay dareenada isa soo taraya ee ay shacabka Somaliland ka tirsadaan ciidamada loo yaqaan RRU, oo ah unug loo tababaray la dagaalanka argagixisada, oo muddooyinkii u dambeeyay saqda dhexe weeraro ku qaaday qaar ka mid ah guryaha magaalada Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale Duur iyo taliyaha  Boliska sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo shalay ka qayb galay munaasibad loo sameeyay dufcadii 2aad ee ciidamada RRU, oo tababar loogu soo xidhay Mandheera, ayaa markii u horaysay muujiyay inay ka warqabaan dareenka bulshada ee ku waajahan ciidamadan, waxase ay difaaceen eedaha ciidamadan gaarka ah loo jeediyo.

Taliyaha Ciidankada Booliska Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlaya ciidamada RRU, wuxuu yidhi “Ciidankani wax uu yahay kuwa loogu tallo galay xaladaha Degdeg ah, in ay ka hortagaan haddii ay argagixiso tahay iyo haddii ay dhibaatooyin kaleba ay  tahay, Bulshada reer Somaliland Waxan u sheegaynaa in ciidankani ay yihiin badbaadiyaasha Dalka iyo Bulshada Somaliland, waxanuna leenahay  bulshada reer Somaliland Ciidankan u arka in ay yihiin  kuwii naftiina  iyo qarankooda difaacayey, ee haw arkina in ay yihiin  ciidan dhibaato loo Abuuray, ciidankani waa ciiddanka difaaca qaranka lafdhabarka u ahaa haddii ay yihiin ciidanka booliska Somaliland ka tirsan sidda kuwa Birmadka ee RRU.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr.Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay isla mawduucan iyo doodaha ciidankan ku saabsan ee bulshada ka dhex jira, waxaanu Wasiir Duur yidhi “Ciidanka RRU Dalka wuu ku cusub yahay, laakiin Qof kasta oo reer Somalilander ahi dhagihiisu way maqleen,  marka ninba turjumaad ayuu saartay, dadka qaarba faafiya in ay cadaw yihiin, waxanu halkan ku cadeynaynaa in aanay cadaw ahayn,basle  ay yihiin ilaaliyaha Amniga shacabka iyo dalka iyo dadkaba, waxay Ciidanka RRU Cadaw ku yihiin cidii cadaw ku ah nabada mujtamaca Somaliland, basle Ciidanka RRU Bulshadooda Somaliland waa saaxiib la nool oo dadkooda Ilaashada, ee ma aha  dad meel kale ka yimid, ee waa dad bulshada reer Somaliland ka yimid oo dadku dadkii yihiin, markaas runtii waxaynu meesha ka saarayna dadka Makarafoonada qaata ee Sida  khaldan  u tilmaama ciidankaasi.”

Comments are closed.