Shirkada diyaaradaha Itoobiya oo duulimaadyo cusub ka bilaabaysa Berbera

0
493

Addis Ababa, (Geeska)-Shirkada diyaaradaha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay khad cusub oo duulimaadyadeeda ka bilaabi doonto madaarka Berbera laga bilaabo 1 July, 2012, isla markaana maalin walba samayn doonto saddex duulimaad ooo gelinka hore ah iyo afar gelinka danbe ah maalin walba.

Qoraal saxaafad loogu talogalay oo shirkada diyaaradaha Itoobiya soo saartay ayaa lagu sheegay in khadkan duulimaad cusub ee magaalada Berbera ay ku imanayso shirkada diyaaradaha Itoobiya ka dhigayso duulimaadyadeedka caalamiga ee Afrika kii 43aad. 

Sidoo kale qoraalkaa ayaa lagu sheegay in dib-u-bilowgii duulimaadyada shirkada diyaaradaha Itoobiya ee madaarka Cigaal caasimada Somaliland, Hargeysa loo bedelay maadama hawlo dib-u hagaajin ka socoto, marka la dhameystiro hawshaana shirkada diyaaradaha Itoobiya qorshaynayso inay degdeg u bilowdo duulimaadyadeedii Hargeysa.

Magaalo xeebeedka Berbera, ooy ku taal dekeda keliya ee Gacanka Carabta ayaa door weyn ka qaadanaysa helitaanka marin badeed ganacsiga wadamada afrika. Sidoo kale, khadkan duulimaad ee Berbera ayaa wax weyn ka tari doona marinada ganacsi ee wadamada Afrika, una sahli doona dalxiisayaasha barriga dhexe, Afrika, Aasiya, Yurub iyo Maraykanka inay si fudud u soo gaadhaan Somaliland.