Waraysi Gaar Ah: Guddoomiyaha Somaliland Forum Mr. Maxamed Dube

1
651

MohamedHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur weynaha Somaliland Forum Md. Maxamed Maxamuud Aadan (Dube) ayaa ka waramay xaaladda ururka Somaliland Forum iyo weliba shir uu 18 May oo ah maalinta Qaranimada Somaliland uu kaga qayb galay dalka Maraykanka.

Mr. Dube, oo isagoo jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar dhawaan waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu faahfaahiyay ururka Somaliland Forum iyo weliba xaaladda ay ku suganyihiin jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka oo ay dad badani aaminsanyihiin inay ururada siyaasadu dhaawaceen isku duubnimadoodii. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay Maxamed Dube, oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan:

Guddoomiye, marka hore bal warbixin naga sii xaaladda urur weynihii Somaliland Forum? Teeda kale, maxaa muddooyinkan dambe hoos u dhigay hawlihii ururka Somaliland Forum. Ma siyaasadaha mucaaradka iyo muxaafidka ayaa saamayn ku yeeshay?

Marka hore aad baan idin salamayaa adiga iyo bahda Wargeyska Geeska Afrika , waxaan idinka mahad naqayaa oon ku faraxsanahay in aan fursadan isu helno.

Sida lala wada socdo Ururka Somaliland forum waa urur qurbejoog ah inkastoo hadda xubno badan wadanka u soo guureen kuwo kalena kaga soo biireen ,  waa urur muddo badan soo shaqaynayay , wuxuna ku abuurmay shucuur wadaniyadeed iyo mid wax wada qabsi oo ka timid rag iyo haween qurbaha ku nool oo isu bahaystay sidi ay u dabooli lahaayeen hadba baahida ka jirta dalki hooyo , Ururku wuxu wax badan ka soo qabtay oo lagu xasuusta oo marna la ilaabi doonin kaalinti u ku lahaa Aftidi Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland ee lagu ansixiyey Qaranimada Ummadan , Dibu dhiska dalka sida caafimaad , waxbarashada iyo dhiiri galinta hanaanki  dawladaynta iyo dimuqraadiyada dalka ka hir galay heerkay doonan ha soo marto , intay doonto ha leekaato  mar walba Somaliland Forum gacan bay ku lahayd , fakir bay ku lahayd , xoog bay ku lahayd , aad iyo aad na way uga qayb qaadatay wax badan oo runtii faan u ah ururka iyo wadankaba , waxa iyana aan la halmaami Karin  halka uu kaga began yahay ururku dadaalada ummada reer Somaliland ugu jirto inay xaqiijiso Himiladeeda iskana dhiciso aduunka iyo cadawga Somaliland kuwaaso u baahan , talo iyo dadaal joogto ah ilaa inta laga helayo Somaliland oo noqota dal Ictiraaf caalamiya ka haysata Bulshada caalamka.

Haddaan jawaabta suaasha toos u galo anoo soo koobaya , haddiba Somaliland forum la tabay  waxaan ka jawabayaa  ururku shaqadisi ma uu dhimin sidii buna u shaqaynayaa waase suaal wanaagsan in la na wayiidyo  maadama muddoyinkan danbe ,xaqiiqdina hadad taariikhda ururka dib u raacdo ururku wuxu ugu firfircoonaa wakhtiyadii Somaliland dhismaysay xaga dawlanimada iyo horumarkaba maantana baahiyo badan oo Ururada Bulshadu gacanta  ku haysay waliba kuwoodii sida tabaruca ah loo waday sida Somaliland Forum waxa kaalindoodii in badan daboolay Dawlada iyo Hayadaha Caalamiga ah oo hadda aad moodo inay waxqabadkoodu intii hore ka tamar badan yihiin taa macnaheedu maaha looma baahna laakiin waxay ila tahay inay saamayn u noqon karto diciifisa hawlahi faraha badna ee ururada noocana ay dabooli jireen.

Waan qiraya in mashaariicdii Somaliland Forum ka hawl gali jirtay ay is dhimeen ma odhanayo laakin way joogsadeen ururkuna sidiisi bu u shaqaynayaa waxaanu xooga saara sidii Somaliland madaxbanaanideeda loo xaqiijin lahaa dadaal badana waanu ugu jirnaa.

Qaybta u danbaysa ee suaasha ,  Ururka dabcan ururada siyaasada iyo wadciga cusub ee 10 ki sano ee u danbeeyey Somaliland ku jirtay saamayn way ku yeelatay maadama oo ururka ay xubno ka yihiin rag iyo haween aqoon yahan ah oo  umada reer Somaliland qaali ku ah , aad loogu bahan yahay inay Siyaasada ka qayb qaataan cidii u diyaarana way u furan tahay  inkastoo rag badan siyaasada hungureeyen oo ururka muhiim u ahaa , dhanka kale marka laga eego waa wanaag oo xubnaha sharafta leh in ay dawlada ka qayb qaataan waa fursad wadanku helay waana aqoontoodaa iyo khibradooda laga faaiideeyo .  Markaa haddiiba aad aragto xubno badan oo ururka ah oo lagu arkay siyaasada sida rag Madaxwayne u ordaya ,  wasiiro , safiiro iyo agaasimayal , ama masuuliyiinta iyo hogamiyaal asxaabta mucaarad ah waa suaal iman karta in loo maleeyo in ay saamayn ku yeelatay ururka waana suurto gal laakiin waxa mudan inaan ogaano  in marki horeba ururku uu ku socday hab volunteer ah xubnaha ururkana ay isku haysay wadaniyad iyo dal jacayl  , dadna waxa ugu wacan inay isu bahaystaan wadaniyad iyo dareen ku dhisan aqoon iyo walaalnimo aan hayb ku dhisnayn walina taasi way jirta oo ururku wuu is haystaa waanu shaqaynayaa.

Dhawaan waxaanu ku talo jirnaa haddi Ilahay yidhaa sidii boodhka dib looga jafi laha ururkana loogu habayn lahaa hab uu kula jaan qaado wakhtiga iyo wadciga cusub ee Somaliland ku sugan tahay oo ah mid Horumarineed , mid u baahan in awooda la saaro sidii looga midho dhalin lahaa himilada Somaliland  waana in ictiraafka xooga la saaro , Inchallah hawsha dibu dardar galinta iyo dibu habayn ta ururka ku socota Gudi hoosaad ba gacanta ku haysa dhawaana waanu ka fara xalanayna ururkana waanu dar dar galinaynaa.

Dhawaan waxaad ka qayb gashay shir lagu qabtay magaalada Washington oo lagu beegay maalinta qaranimada ee 18 May. Shirkaas nooga waran iyo waxyaabihii ay yidhaahdeen madaxdii kala duwanayd ee ka qayb gashay?

Waa dhab walaalo , waxaan ka qayb galay shirka Washington DC gaar ahaan Hotel ka Hilton Washigton Dulles Airport  ee cariga maraykanka ka dhacay 18 iyo 19 ka Bishi May , oo isku jiray Shir caalamiya oo wadamo badan la iskaga yimid iyo xafladaynta maalinta Qaranimada Somaliland oo aad loo wayneeyey dad faro badana iskugu yimaadeen , waxayna ahayd munaasibado  si wayn looga soo qayb galay , si wanaagsana wuu u qabsoomay xaqiiqatan.

Way jirta dad wax dhaliila laakiin inta badan anigu xaga positive ayaan wax ka eegaa , niyada dadki shirka soo abaabulay iyo shucuurti la iskugu yimid ayaa ina tusaysa inuu ahaa mid wanaag iyo horumar laga filayo.

shirka DCWaxa shirka ka soo qayb galay , xubno dawlada ka socda oo wasiiro leh sida wasiirada Arimaha dibada Dr. Mohamed Abdilaahi ,iyo wasiirka Arimaha tamarta , macdanta iyo Biyaha Eng. Hussein Abdi Dualeh ,  Ku xigeenka koowaad ee aqalka wakiilada JSL Mudane Baashe Maxamed Faarax , Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal cali waraabe , aqoon yahano iyo shakhsiyaad sharaf badan ku leh Umadda Somaliland dhexdeeda sida Dr. Adna Aadan oo horena u ahayn Diblomasiyad iyo wasiir kharaji haddana aad ugu ololaysa Qadiyada umada reer Somaliland , waxa kale shirka lagu casuumay Ambassador Abdirahim Caabi faarax oo ah rug cadaa arimaha diblomasiyada horena u ahaan jiray ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay  , shacbi aad u tiro badan oo ka kala yimid daafaha dunida inkastoo ay u badnayeen reer North America .

Shirka waxa kale oo ka soo qayb galay madax iyo diblomasiyin caalamiya sida Ambassador David shin , Wakiil ka socday hayda USAID ,International republic Institute oo Somaliland aad uga taageerta arimaha siyaasada , doorashooyinka iyo dimuqraadiyada ,   CJA oo ah qolada gacanta ku haysay Kiiskii Ali Samater iyo Baashe Yuusuf u dhaxeeyey , iyo masuuliyiin tiro badan oo heer caalamiya , shirka waxa aad loogaga hadlay horumarka Somaliland ku talaabsatay , hadday tahay arimaha dawladnimada iyo dumqraadiyada , dhaqaalaha iyo siyaasada , waxbarashada iyo caafimaad ka  , dhamaana masuuliyiinti ka hadashay waxay aad u amaneen shacbiga reer somaliland iyo dawladnimadooda.

Qudbadihi shirka laga jeediyey iyo outcome ka laga filayo isagoo qoraala ama muuqaal ah waxa inala wadaagi doona qaban qaabiyaasha shirka oo aynu ka filaynaa iyadoo faahfaahsan dhawaan  Saxaafada iyo umada reer Somaliland ba waa loo soo ban dhigayaa , run ahaantina waxan shirka u arkaa mid faaiido badan u lahaa umada waxan ku Hambalyaynayaa Jaaliyada reer North America iyo Safiirka Dalka maraykanka inoo jooga Rashid Garuf oo xooga saaray inu shirkaasi qabsoomo waanan ku dhiiri galinayaa in ay joogteeyaan shirarka noocan oo kale ah maadama oo ay ku nool yihiin wadan saamayn wayn ku leh siyaasada caalamka.

Adigu shirkaas maxaad la tagtay ee aad ku soo bandhigtay?

 Walaal waanu badnayn  oo Shirka kaligay kama qayb galin  xubno badan oo Somaliland forum ah ayaa joogay oo aanu kaga wada qayb galnay , dhamaantayana waxaanu ku tagnay dareen wadaniyadeed , aad iyo aadna mafsuud baanu ugu ahayn in aanu ka qayb galno oo lanagu casuumo , hadad I waydiisay waxaan kaga qayb galnay shirka Urur ahaan  , Somaliland forum wuxu ku jiray ururada Sponsor gareeyey shirka ee kaalme  dhaqaale ka gaystay , waxa noo dheerayd in xoog iyo firfircooni kale aanu ku darso sidii shirku qabsoomi lahaa ,  aad iyo aadna waanu u dhiiri galinay ka hor shirka iyo intii socdayba , Imikana waxaanu diyaar u nahay in mar kasta ka qayb qaadano oo aanu ka gaysano taageero ka badan ta aanu sanadkan kaga qayb galnay haddii Ilahay yidhaa.

Dadka Maraykanka ee Somaliland ma isku duubanyihiin, mise xisbiyada iyo ururada siyaasadda ayaa kala furfuray?

Run ahaan tii dadka Maraykan ku dhaqan ee Reer Somaliland kama duwana dadka kale ee Qurbe jooga ah ee ku dhaqan wadamada kale ee dunida ,  kala qayb sanaan xaga ururada siyaasada ah way dhici karta inay jirto , anigase iima muuqan wax aan halkan ka sheego laakiin waxa ii muuqatay in aysan tamar badan lahayn  kolay sababaha waxa igaga haboon oo si wacan u dhigi lahaa dadka ku dhaqan halkaa laakiin waxaan sheegaya oo muhiim ah  in Jaaliyada ku dhaqan dalka Maraykan ay sidan si ka fiican isu abaabulaan una hawl galaan sidii ay uga faaiidayn lahayeen wadanka ay joogaan ee Super powerka ah waa fursad wayn waanay karaan oo aqoontina waa leeyihiin , rag iyo haweenkina waa ku dhaqan yihiin halkaa ka faaiidayn lahaa.

Waxa iska macruufa oo khatar ku haya Jaaliyadaha dibada , ururada Siyaasada iyo dhacdooyinka wadanka ka dhaca ee maalin laha ah oo saamayn dad badan ku leh wada shaqayn tii dhex mari lahayd bulshada qurbe jooga ah , waxana la odhan kara way diciifiyeen xoogii laga filayay ama qurbe joogu lahaan jiray , dadki qurbaha ku dhaqnaana  tahli wayeen inay kala saaraan dhacdooyinka maalin laha ah ee wadanka ka dhacaya iyo himiladii ummada iyo wadaniyadii  qurbe jooga looga baahna , in la soo nooleeyo oo loo sheego waa lagama maarmaan qurbe joog oo dhan

Bal ka waran dadkii muwaadiniinta ahaa iyo sida ay u arkaan wakhtigan Somaliland iyo siyaasadeeda? Sidayse u arkaan wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Run ahaantii Ummada Reer Somaliland yar iyo wayn waa dad niyad fiican mar walbana iimaankoodu waa qawi waana ta ay ku meel mareen , ta Alleh maqan dadku waxay kalsooni ku qabaan in ay xaqiijin karaan himilada ay leeyihin iyo rabitaankooda iyagoo kalsooni badan isku qaba waanay muujiyeen adkaysigeedi iyo dadaalkeedi , waayo aduunka  maanta cidna cid ma khasbi karto wax walba rabitaanka shacbiga ayay ku xidhan tahay  , Wada hadalada Jamhuuriyada Somaliland la yeelan doonto TFG da oo matalaysa wadanki la odhan jiray Somalia ee lixdanki aynu midawnay haddii qoladaasi diyaar u tahay wada hadal dhab ah  sidaan u arko dadku aqlabiyad ahaan waa u diyaar xukumadana way ku taageersan yihin inay kala hadasho Qadiyada Jamhuuriyada Somaliland cidkasta oo suurto gal ah iyo sidii loo kala furdaamin lahaa labada dal , waxase muran inta badan dhalisa habka iyo dariiqa loo marayo , waynu ogayno buuqi iyo doodii ay dhalisay shirka London iyo  sidii marki danbe iyadoo la isku duuban yahay  talo midaysana loogu tagay waxana lagala soo noqday niyad wanaagi marki hore lagu tagay, shacbiga reer Somaliland meel kasta ha joogee talada midaysan ayuunba u qaneeco ah oo ay u arkaan in ay guul ku gaadhi karaan wixi kale ee faro dhexdood ka baxa waa eed iyo faro fiiq fiiq , wada hadalada Somaliland iyo Somalia dhex mari doonana waa in talo qaran mar kasta lagu wado iyadoo aan lagu faro galinayn xukumada oo ay tahay hawsheedii  haddana waxay ila tahay talo  la gaadho waxa ugu faaiido badan ta loo gogol badiyo xukumadana taasa u eed yar in wada tashiga lagu socdo ayana dadku ogol yahay oo rabaan ayay ila tahay.

 Waa maxay adiga aragtidaada ku waajahan xaaladaha siyaasadeed dhaqaale ee Somaliland

Walaahi , Aragtidaydu waa mid nool , waa mid yididiilo leh waana mid aan dhanka wanaagsan ka eegayo , dalkeenu maanta maalin uu ka wacan yahay ma jirto kaliya waxa loo bahan yahay in wixi inaga dhiman la dar dar galiyo , la dhawro lana xoojiyo wixi inoo soo qabsoomay 21 ka sano ee ay Jamhuuriyada Somaliland jirtay , In la ixtiraamo taariikhda dalkan leeyahay oo ay ugu mudan tahay waxa aynu qabsanay 21 ka sano.

1 – Dalku wuxu u bahan yahay in dhaqaalahiisa xooga la saaro , siyaasadiisana la furfuro , waa in la abuuro jawi ogolaanaya in maalgashi caalamiya dalka loo helo , siyaasada xukumadan cusub ee hadda talada dalka haysa ee k u dhisan horumarka xaga dhaqaalaha waxan u arkaa mid u baahan in la dhiiri galiyo dawladana fursad loo siiyo ay ku xaqiijiso riyadeeda , waayo dalku hadduu siyaasad dhaqaale oo culus yeesho daneeyayaasha dhaqaale ee caalamiga ah ayaa wax wayn ka tari kara in aynu helno oo meel marino himiladeena ugu qaalisan ee ay umadan leedahay.

2- Waxaan jecelahay inaan halkan ka tilmaamo in xooga la saaro arimaha amniga iyo wada tashiga gaar ahaan bariga gobolka Sool iyo Buuhoodle , Ummada reer Somaliland iyo xukumadeedo isku dhana arinka si dhaba ha u wajaheen hana ka hawl galeen sidii guul looga gaadhi lahaa waana laga gaadhi karayaa sidaan ku rajo waynahaay Bi idni laah!

3 – Ugu danbayn waxaan hoosta ka xariiqaya in la ilaaliyo lagana tabaabushaysto sidii ay u dhici lahayeen doorashooyin xor iyo xalaal ah waayo Somaliland maanta waxay sharaf ku leedahay waa doorashooyinki sharafta lahaa ee ka qabsomay , doorasho kasta oo inagu soo beegana hala karameeyo oo hala dhawro waayo waxa ku xidhan mustaqbal kii ummadan lahayd kumanaan sano ee soo socda umana baahna xagal daac marnaba , waxa  dhiiri galinayaa in aan laga nasan dadaalada lagu xaqiijinayo himilada in Somaliland ictiraaf dawliya hesho mustaqbal ka dhaw.

 Maxaa farriin ah oo aad u diraysaa shacabka Somaliland?

 Marka ugu horaysa salaan baan u dirayaa shacbiga Reer Somaliland iyo Madaxda Qaranka oo u ugu horeeyo Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenka Cabdirahman Cabdilaahi Saylici , madaxda Hayadaha qaranka iyo dhamaan Qurbe jooga reer Somaliland  , intaa ka dib dhamaanteen Waxa farayaa madax iyo mijiba in la ilaalyo xaqa dalkan inagu leeyahay oo ah in aan ka fikirno sidii umadeenu uga bixi lahayd dhaqaale xumada , aqoon darada , biyo la’aanta  , caafimaad xumada I.W.M. halka aynu kaga mashquulayno wax aan macno inoo lahayn , waa in la yareeyo is qab qabsiga iyo siyaasada ku dhisan kala ridashada iyo boobka. Waa in la xoojiyo wadaniyada oo ay inoo kala soocdaan danta shakhsiga ah iyo ta aynu wadaagno guud  , wixi wanaaga la isku taageero wixi kharibana la iska waaniyo , nabad galyada oo la ilaaliyo waa furaha horumarka iyo barwaaqada , xukumada waxa ku waajib ah inay siyaasadi lagu doortay ay dalka ku hagto kuna qanciso shacbigeeda in wanaag ku hogaaminayso iyadana waa in lagu taageero laguna bogaadiyo wixi wanaaga ee ay fasho , Ilahay wanaaga ha ina waafajiyo meel kasto aynu joogno wadankeena ha ina tuso xaqa uu inagu leeyahay , Waad Mahadsan tihiin.

Comments are closed.