Shirkada Badbaadada Dabka Oo Markii Ugu Horaysay Dalka Laga Furay

0
704

Picture4Hargeysa (Geeska)- Shirkad ka shaqaynaysa hawlaha badbaadada dabka oo magaceeda la yidhaa Somaliland Fire Safety, ayaa markii u horreysay laga hirgeliyey caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Shirkaddan oo aasaaseen muwaadiniin qurba-joog ah, kuna qalabaysan guud ahaan qalabka loo adeegsado ka hortagga iyo badbaadada dabka iyo weliba gaadiidka dab-damiska, waxa xadhigga lagaga jaray xaflad ballaadhan oo loogu sameeyey xarunteeda kowaad oo ku taal cidhifka galbeed ee dhismaha Wakaallada Biyaha Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada, Hawlaha Guud, Horumarinta reer Miyiga iyo Degaanka iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, madaxdhaqameed, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha shirkaddan Somaliland Fire Safety Maxamed X. Axmed Maxamuud (Aktoobar) oo hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa sheegay in ujeeddada shirkaddan uu sameeyey tahay sidii uu uga qaybqaadan lahaa horumarka dalkiisa hooyo iyo dadkiisa, isagoo hiigsanaya dadaalladii muwaadinimo ee aabbihii ka geeriyooday.

“Shirkad ahaan wax kasta oo qalab badbaadada dabka ku saabsan waanu haynaa, waxaan intaa noo dheer khubaro ku takhasusay arrimaha dabka oo bixinaya tababarada isticmaallida qalabka iyo weliba rakibaada ama ku xidhida meel kasta oo loogu talogalay,” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aktoobar.

Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Guriyey iyo Horumarinta reer Miyiga iyo Degaanka – Md. Cabdirisaaq Khaliif iyo Marwo Shugri Xaaji Baandare oo halkaasi ka hadlay, ayaa hambalyeeyey shirkaddan muwaadiniinta hirgeliyey oo ay ku tilmaameen mid baahi wayn dalku u qabay, maadaama dabka oo ah cadow halis uu in badan khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba u gaysto guryaha ama goobaha ganacsi ee uu qabsado.

Waxa kale oo labada wasiir isku raaceen inay lagama maarmaan tahay sharci dawladdu u samayso isticmaalka qalabka badbaadada iyo ka hortaga dabka ee goobaha ganacsiga iyo weliba guryaha dadweynaha.

Sidoo kale, Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow, Suldaan Axmed Daahir iyo Suldaan Siciid Maxamed Ducaale iyo Cismaan Kaahin oo matalayey ganacsatada, ayaa hadallo ay halkaasi ka jeediyeen kaga hadlay khatarta uu dabku ku hayo dadka reer Somaliland iyo muhiimada ay leedahay shirkaddan cusub ee ka shaqaynaysa badbaadada halistiisa, waxaanay dawladda iyo shacabkaba ugu baaqeen inay soo dhaweeyaan oo ay dhiirigeliyaan si ay ugu guulaysato shaqadeeda.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xukuumaddu dejisay qorshe lagu samaynayo hay’adda badbaadada dabka, iyadoo miisaaniyadda dawladdana loogu daray sannadkan.

“Hirgelinta qorshahaasi waxa uu marayaa in gaadiidkii dab-damiska oo ilaa shan baabuur ah la soo iibiyey, dhulkii waa loo qorsheeyey, ciidanka badbaadada dabka oo bilow ilaa boqol askari ah iyo tababarkiisii waa la diyaarinayaa, maamulkiisana waxa u xilsaaran Gaashaanle Axmed Sawaaxili oo ah nin khibrad u leh dabka oo uu kaga shaqaynayey dalka Imaaraadka, iminka khibradiisa darteed loogu yeedhay. Markaa meel fiican ayey maraysaa dabka iyo hawlgalkiisu.

Haseyeeshee, shirkaddana aad baa loogu baahan yahay, waxaan aaminsanahay in Hargeysa u baahan tahay boqol xarumood oo la mid ah xaruntan shirkaddu badhkan magaalada ka samaysay, dawlad ahaana waxaannu u fududaynaynaa wax kasta oo suurtogal ah dadka maalgashigan sameeyey inay kaalinta buuxiyaan,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo gunnaanaday khudbadaha xafladdaasi, ayaa sheegay in shirkaddani tilmaan u tahay koritaanka guud ahaan Somaliland iyo gaar ahaan ganacsiga dalka.

“Sidaa la sheegay baahi wayn baa loo qabay dab-damiska Somaliland, shirkaddan gaarka loo leeyahayna waxaan isleeyahay kaalin loo baahnaa ayey buuxisay, dab-damiska qarankana ee xukuumaddu samayso ama dawladaha hooseba waxaan qabaa inay iskaashan dooonaan shirkaddan,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha Wakiillada iyo Wasiirka Madaxtooyada ayaa si wadajir ah xadhigga uga jaray xarunta kowaad ee shirkadda Somaliland Fire Safety, iyadoo masuuliyiinta mid mid loogu sharraxay qalab casri ah oo lagaga hortagi karo, badbaadin karo ama lagu bakhtiin karo dabka.