Shirkada Al-Najax Oo Dalka Keentay Khubaro Hindi Ah Oo Dhismayaal Casri Ah Dalka Ku Soo Kordhinaysa

0
666

Hargeysa (Geeska))- Shirkadda Dhismaha ee Najax Construction Company oo ka mid ah Shirkaddaha Dhismayaasha ee dalka ugu waaweyn, dhistana Guryo casriya ayaa dalka keentay Injineero u dhashay dalka Hindiya oo khubaro ku ah Dhismayaasha.

Maamulaha guud ee shirkadda dhismaha guryaha ee Najax Construction Company Eng.Cabdiraxmaan Maxamed Ciise, oo isagu la socday Injineeradan, ayaa sheegay in khuburadan ay ka faa’iidaysan doonan shaqaalaha shirkada Najax ka shaqeeya, isla markaana wuxuu tilmaamay inay wax badan ku soo kordhinayaan dhismaha dalka, sidaana wuxuu ka sheegay mar warbaahinta ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa. “Waxaan Salaamaya dhamaan dadka I soo dhoweeyey, Shaqaaalaha Najax Construction, illaahay ayaan u mahad naqayaa dib iigu soo celiyey waddankaygii iyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, anigoo nabad qaba,  waxaan dalka u wadda shaqaalle xirfad leh oo aanu ka faa’iidaysan doonno, wadankeenu wuxuu u baahan yahay shaqaale xirfad leh oo wadanka wax ku soo kordhiya oo aduunka la tartama, oo wadanka bilic ku soo kordhiya  guryaha, wadooyinka iyo dhismayaasha kale, Dubayba maalin bay ahayd Tuullo yar maaanta waa loo dalxiis taga dalkii lahaa ayaa u tashaday iyagoo u adeegsaday ragaasi ila socda, waxaana Dubay dhisay waa Hindidaas ila socota oo kale, Hindidaasi dhistay uun baan doonaya inay Hargeysa dhisto, laba siyaabo waan uga faa’iidaysan doonaa xirfadda shaqaalaheena ayaa ka reebanaya, qodobka labaad waxa weeyi dalkeena ayey uga faa’iidaynay wax fiican oo qurux badn oo tayo leh, waxa aad uga faa’iidaystay shaqaalahan xirfadda leh shirkadda Najax contruction oo meel fog ka doontay khabiiradan, marka waxaan usoo jeedinaya sida shirkadaha kale waa inuu qof kasta wax ku soo kordhiyo wadankeena oo mid caafimaad wax ku soo kordhiya iyo mid adeegyo kaleba ku soo kordhiba waa inaynu dadaal samaynaa.”

Maamulaha shirkadda dhismaha ee Najax ayaa sheegay inay shaqaalahan xirfladda leh ay ka kooban yihiin toban qof oo Hindi ah kuwaas oo lix ka mid ahi la socdeen, halka afar kalana ka daba imanayaan, isagoo shaqalahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Imika waxa ila socda lix injineer oo hindi ah, Afar kalana way iga dambeeyaan, dhamaantoodna waa Hindi, waxaan wadda ilaa lix injineerin oo  mid walba wax ku takhasusay, waxa laga yabaa inuu qof kastaba labaatan qof wax ka bartaan, aqoontuna waxay ku fiican tahay in waxa aanad haysan meelo kale ka doonan kartid, hidana waxa gurta Maraykanka, marka wax maraykanku qaadaba maxa Somaliland ka maanacay”

Maamulaha shirkadda dhismaha ee NAJAX Eng:Cabdiraxmaan Maxamed Ciise waxa uu bulshadda Somaliland ugu bushaareeyey inay ka faa’iidaysaan, isla markaana ay Injineeradan dhisi doonan guryo qurux iyo Tayaba iskugu darsaday, waxaanu yidhi “Bulshadda reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda Najax  ee dhismayaasha guryaha u keentay khuburo ku takhsusay dhismayaasha kala duwan una dhisi doonta qaabab casri ah oo tayo iyo quruxba iskugu darsaday,wadanka waxa badan ku soo kordhin doonna, waana inay ka faa’iidaystaan mudadaasi shirkadda la joogaan, waxana ku boorinayaa inay ka faa’iidaystaa oo ninkii nasiib leh wax ka dhisto Najax  Construction Company oo idin keentay shaqaale xirfad leh”.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Eng: Gauran Shahma  oo ka mid ah khuburradda shirkadda Najax dibadda ka keensatay kuwaas oo sheegay inay wax badan ka qaban doonaan dhismayaasha wadanka laga hirgalinayo, isla markaana ballanqaaday inay  dhisayaan dhismayaal qurux iyo Tayaba leh wuxuu yidhi,”Waanu ku faraxsanahay inaanu nimaadno dalka Somaliland, waxaana aad ugu mahad naqayaa