Nin Balaayoy Baydh Oo Naga Baydh Yidhi, Ma Isagaa Ducaystay Mise Cid Buu Habaaray?

0
647

Picture3Somaliland hadii isbedel macno lihi ka dhacayo oo doorashooyinka is huwan ka iman karo xisbiga ugu dhaw ee laga fili karaa sida aan u arko waa Xisbiga UCID. Dadka qaar ayaa ku odhanaya " dee ninyow UCID sida kale waa okay eh ragii waawaynaa ee la garanayay ayaa ka maqan ama ku yar ee maxaa u doonan waydeen?". Ogow dadka ay u jeedaan waa kuwa ku caan baxay xilalka ee marna kursi raadiska ah marna kursi daafaca ah kuwaas oo inta badan mar iyo mararba wasiiro ka noqday xukuumaddan iyo kuwii horeba. Waxa kale oo iyaguna ka mid ah xildhibaanada wakiilada oo laba xubnood oo keli ahi ay kaga sii hadhsan yihiin UCID . Waa run oo colkii UDUB intii badnayd waa darafa dawle, may KULMIYoobin balse waxa laga daaraa dhinaca madaxtooyada halka intii ka soo hadhay lafteeduna xaga xisbiga kale ee mucaaridka ah ayay u badan yihiin in kasta oy jiraan kuwo kale oon iyagu ilaa iyo hadda aan xisbina ku suntanayni. Waxa jira iyaguna kuwii xilalka uu Madaxwayne Silanyo u magacaabay oo markii uu ka qaaday mucaarid noqday balse aan UCID ka mid noqon ee xaga WADDANI qaar kood u digo rogteen .

 

Hadaba marka aynu is bedel doon nahay is bedelku ma intii xukuumadan iyo kuwii ka horeeyayba isu wayd waydaaranaysay baa bud dhig u noqon karta oo iyagu keeni kara mise iyaga laftooda ayaaba ka mid ah inta loo baahan yahay in wax laga bedelo oo wejiyo cusub lagu bedelo. Inta ugu tirada badan ee kuwaa ka mid ah waxan shakhsi ahaan qabaa in aanay la jaan qaadi karin isbedel run ah oo ka tarjumi kara rabitaanka dhabta ah ee maanta looga baahan yahay Somaliland hadii ay jiraan lafteedana waa faro ku tiris.

 

Waayahay, marka aynu taa ognahay miyaan la odhan karin isbedelka aynu doonaynaa ma noqon karo mid macno badan samayn kara hadii aan lagu talaalin dhiig cusub oon jiil cusub oo da' yar ah aragtidoo cusubna wataa aanay majaraha u qaban. Hadii shacbiga Somaliland aanay gaadhin heer ay u bisil yihiin isbedel, oo ay u badan karto xaalku markaa waa sidii hore la yaabna kuma laha hadii ay hebelo ay madax u yaqaaniin uun dey dayaan kolba dhinacna ula dulaamaan inamada reerahooda. Marka aragtida iyo waxa uu qofku waxna ku raaci karo waxna ku diidi karaaba ay tahay qabyaalad uun isbedel ma iman karo ee waa qasab inay sidii hore waxay kala afuuftaan noqdo goon iyo habaas uun xaalkuna noqdo,

 MAXAAN TALO MEEL KA DEYAY

MARKAY DANI MAAHA TIDHI

KA DOON IDHI MEEL LA DEYAY

MARKAY DANI MAAHA TIDHI

KA DOONAY HALKAAN KA DEYAY

Sida aynu ognahay labada doorasho waxa lagu dooranayaa 84 xil oo loo dooranayo 84 shakhsi iyada oo la ogyahay in Xisbiga UCID uu yahay ka soo bandhigi doona wajiyada cusub ee ugu tirada badan uguna da'da yar murashixiinta u tartamaysa Madaxtooyada iyo wakiilada labadaba. Kuaas oo hadii ay helaan taageerada shacbiga looga fadhiyi karo inay suurtogelin karaa isbedel ka duwan runtana uga dhawaan kara isbedelkii KULMIYE ee lagu hungoobay markii la arkay runtiisii in dhedo roob noqon wayday.

 

Xisbiga UCID marka hore waa xisbi qaran oo u wada furan muwaadiniinta Somaliland oo dhan hebekadii la yaqaanay baan ku jirin anigu kolay cay uma qaadanayo amaana way noqon kartaa marka aynu garanayno hebelada ka maqan UCID ee la sheegayo intooda badan. Sidaa daraadeed waxay odhanayaa NIN BALAAYOY BADH OO NAGA BAYDH YIDHI, ISAGAA DUCAYSTAYE CIDNA MUU HABAARIN