Shirka Ingiriiska Oo Laga Soo Saari Doono Taageerista Wada Hadalka Somaliland/Somaliya

0
407

London(Geeska)-Shirka ay dawladda Ingiriisku 7-da bishan May u qabanayso dawladda Somaliya, ayaa la filayaa in war-murtiyeedka laga soo saari doono lagu soo hadal qaado wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Bogga cusub ee uu Ingiriisku shirkan uga sameeyay Internetka, ayaa waxa shalay lagu baahiyay waxyaabaha la filayo inay shirkaas ka soo baxaan, marka uu dhammaado. Qodobada la filayo in war-murtiyeedka ka soo baxaya lagu muujiyay waxa uu Ingiriisku sheegay inuu ka mid yahay in la taageero wada hadalada Somaliland iyo Somaliya u socda si loo sameeyo iskaashi iyo is aaminaad.

Sidoo kale waxa lagu taageeri doonaa qorshaha horumarineed ee ay dawladda Somaliya soo bandhigto, kaas oo hirgelintiisa laga sugayo beesha caalamka ee shirka isugu iman doonta.

Waxa kale oo lagu muujin doonaa war-murtiyeedka shirkaas ka soo bixi doona taageerista qaraarada ay Qaramada Midoobay hore ugu taageertay ciidamada AMISOM ee hawlgalada u jooga dalka Somaliya.

Dhinaca dawladaha ka qayb geli doona shirka, waxa qoraalada bogan lagu baahiyay lagu sheegay inay dawladaha Ingiriiska iyo Somaliya casuumi doonaan dawlado iyo hay’ado kor u dhaafaya 50, kuwaas oo isugu jira dawlado, midowga Afrika, Qaramada Midoobay, saaxiibada Somaliya iyo wadamada la jaarka ah.

Si kastaba ha ahaate, shirkan oo furmaya toddobaadkan dambe, waxa ay dawladda Ingiriisku u abaabulaysaa si heersare ah, waxaana muuqata inay awoodeeda isugu gaynayso sidii uu shirkaasi u noqon lahaa mid guulaystay.