Hargeysa: Muwaadin Ku foogan Quudinta Shimbiraha Iyo Bisadaha

0
595

Picture3Hargeysa(Geeska)-Cabdi Xuseen Cawaale oo ah nin naafo ah oo ku nool magaalada Hargeysa, ayaa galab iyo habeenba waxa uu quud u daadiyaa shinbiraha iyo waliba bisadaha ku nool magaalada Hargeysa inta uu awoodo.

Muwaadinkan ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay quudinta uu quudiyo shinbiraha iyo bisadaha, waxaanu sheegay in alle uu maray arintaas. Ninkan oo naafo ah waxa uu dadka ugu baaqay inay u diir naxaan xayawaanka inala nool isla markaasna ay masuuliyid iska saaraan arintaas maadaama oo ay karaamaysan yahiin.

Cabdi Xuseen Cawaale oo aanu kula kulnay suuqa isaga oo shinbiro u daadinaaya markaas arabikhi  badan, isla markaasna aanu wax ka waydiinay arinkan uu ku gudo jiro ayaa hadalkiisa nuugu bilaaay sidan  “ Habeenkii marka aan sii seexanaayo ayaan ilaa saddex galaan oo hadhuudh ama galay ah xaafadayda ugu daadiyaa, shinbiro aad u badan ayaa subax walba halkaas quudkooda markay soo kacaan u soo doonta, halkan biriishka ka soo horjeedkiisana isna dhawar galaan aayaan ugu daadiyaa, waan ku faraxsanahay inaan quudinaayo shinbirahan inala nool haynu dadka nahay, waliba bisadahana waxaan u soo guraa wax ay cunaan waxaanan ku siiyaa goobokala duwan.”

Cabdi Xuseen  waxa uu sheegay inla faray quudinta shinbiraha uuna sidaas shaqadan ugu horayntii ku bilaabay   “ Alle ayaa igu amray inaan hawshan qabto, amarkiina waan qaatay, arinkuna waxa uu ku yimi aniga oo seexda masaajid halkan xero hadhuudha u dhaw wakhti hore , markaas maalintaas uu amarku ii yimi aniga oo masjidka jiifa oo wardiyaaya ayuu nin madaw oo indho god-godan oo timo adag leh khamiisna xidhani  uu madaxayga soo istaagay, waanu I salaamay waxaanu igu yidhi ( Shinbiraha wax sii oo dahab-layaasha uga qaad )ninkuna markuu intaas I yidhiba waan waayay halkaas yaan ka bilaabay hawshan.”

Muwaadinkan naafada ah hadana maskaxda wanaagsan waxa uu bulshadeeda u soo jeediyay  “ Waxaan dadkeena ugu baaqi lahaa inay xayawaankan inala nool ay hoos u eegaan oo ay u diir naxaan, waayo inaga ayaa karaamaysan oo loo baahan yahay in aan wax badan u qabano xayawaanka inala nool.”

Cabdi Xuseen Cawaale oo naafo iyo da’a ah waxa uu taageero uga baahan yahay cid kasta oo bulshadeena ka mid ah.