Maalinta Shaqaalaha Oo Maanta Ku Beegan Iyo Shaqaalaha Oo La Fasaxay

0
475

Hargeysa (Geeska) – Shaqaale-waynaha Somaliland ayaa maanta guud ahaantood shaqooyinka fasax ka ah, xuska maalinta shaqaalaha adduunka oo ku began maanta 1.da bisha May, taasi oo sanad kasta laga xuso adduunka oo dhan.

Shaqaalaha kala duwan ee dawladda Somaliland, ayaa maanta shaqooyinka looga fasaxay maalinta caalamiga ah ee shaqaale-weynaha adduunka oo maanta ku began, si ay uga nastaan shaqooyinkii ay umaddooda u hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa qoraal uu shalay soo saaray Hambalyo ugu diray shaqaale-waynaha Somaliland maalinta shaqaalaha adduunka awgeed, taasi oo ku beegan maanta.

Wasiir Barre, waxaa uu sheegay in Maalinta maanta ah Shaqaalaha oo dhan ay Fasax ka yihiin Shaqooyinkooda, iyada oo ay tahay 1-da  bisha May, oo adduunka laga xuso maalinta caalamiga ah ee Shaqaalaha  Adduunka, Wuxuuna Hambalyo u diray Shaqaalaha iyo Qoysaskooda, oo uu ugu duceeyay inay Sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabad iyo caano.