Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo La Cayimay Iyo Dareenada Ku Xeeran

1
621

 

kulmiyeHargeysa(Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa loo cayimay inuu qabsoomo 31-ka bishan March, oo ku beegan Axadda soo socota.

Xoghayaha golaha dhexe Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad), ayaa qoraal uu shalay soo saaray wuxuu ku yidhi sidan: “Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye wuxuu ku war-galinayaa dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE inay kasoo qaybgalaan Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo dhici doona 31/03/2013, ahna maalin Axad ah kana dhici doona Hotel Maansoor Saacadu markay tahay 9:30 Subaxnimo, shirkaas oo socon doona hal maalin.

Mar labaad dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE waxaan ku adkaynayaa in ay kasoo qayb galaan shirkaas oo aanay ka maqnaan.”

Xoghayaha golaha dhexe qoraalkiisa kuma sheegin wax faahfaahin ah. Laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika, u sheegay in qabashada shirka golaha dhexe tahay mid lagu doonayo in lagu soo afjaro khilaaf ka dhex oogmay hoggaanka KULMIYE iyo hoggaanka golaha dhexe, oo isku maandhaafay cidda awood u leh inay dib u dhigto shirweynaha xisbiga. Hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa dhawaan ilaa bisha December ee sannadkan dib u dhigay shirweynaha xisbiga, laakiin madaxda golaha dhexe ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid qayrul sharci ah, iyagoo sheegay in golaha dhexe yahay cidda awoodda u leh dib u dhigista shirweynaha, waxaana guuldaraystay dhawr shir oo uu xataa Madaxweynuhu ka qayb galay oo lagu doonayay in xal lagaga gaadho khilaafka sharci ee ka dhex jira xisbiga KULMIYE. Waxaanu warku intaas ku daray in Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, uu toddobaadkan isu keenay labada hoggaan ee KULMIYE iyo golihiisa dhexe, waxaana la sheegay inuu khilaafkii ka dhex oognaa ku soo afjaray go’aan uu dhinac waliba u arko inuu guulaystay oo ah, in golaha dhexe uu qabto shirkii golaha dhexe oo hal maalin ah, balse aanu wax ka bedel ku samayn islamarkaana uu sharciyeeyo go’aanka uu hoggaanka xisbigu hore u gaadhay ee ah in shirweynuhu qabsoomo bisha December ee sannadkan. Go’aankan oo la sheegay inay labada dhinacba ku qanceen, ayaa ah sababta keentay in shirkii golaha dhexe uu qabsoomo toddobaadka soo socda.

Comments are closed.