Liiska Masuuliyiinta Imaaraadka U Raacay Madaxweyne Siilaanyo Ee Ku Socdaalay Basabooro Ajaanib Ah

0
509

 

Picture51Hargeysa(Geeska)-Masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa badankoodu u muuqda inay ku socdaalaan Basaboro ajaanib ah, halka ay kaga safri lahaayeen Basaborka dalka ay madaxda u yihiin.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu toddobaadkan dalka Imaaraadka Carabta u hoggaamiyay wefti culus, laakiin inkastoo ay ka socdeen Somaliland, haddana badankoodu waxay siteen Basaboori Ajanebi ah. Tusaale ahaan masuuliyiinta weftiga Madaxweynaha la socday intooda ugu culusi waxay dalka Imaaraadka Carabta ku tageen Basaboro aan ahayn Basaborka Somaliland, waxaana baadhis uu Geeska Afrika sameeyay ku ogaaday inay Madaxweynaha iyo marwadiisa oo keliyi ku socdaaleen Basaborka Somaliland. Madaxda weftiga Madaxweynaha ka mid ahayd ee ku socdaashay Basaborada Ajaanibka ah waxa ka mid ah:

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ku socdaalay Basaborka Holland

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ku socdaalay Basaborka dalka Ingiriiska

Guddoomiye-xigeenka wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, oo isna sitay Basaborka Kanada

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo isna ku safray Basaborka Djibouti

Wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu isaguna ku safray Basaborka Djibouti

Waxaana halkaas laga dareemayaa in xubnihii ugu cuslaa weftiga Madaxweynuhu ay ku socdaaleen Basabooro ajaanib ah oo haystaan.  Intaas waxa dheer Madaxweyne Siilaanyo, waa markii saddexaad ee uu safar ku tago dalkaas Imaaraadka Carabta oo martiqaad rasmi ah u soo diray saddexda goorba, laakiin Madaxweynuhu wuxuu ku fashilmay inuu dawladda Imaaraadka Carabta ku qanciyo  bal weftigiisa uun in loo ogolaado inay dalkaas ku tagaan Basaborka Somaliland, halka ay kaga safreen kuwo shisheeye. Waxaanay dad badani aaminsanyihiin in masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay saqiiriyeen Basaborka Somaliland, oo ay madaxdi dawladii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku tagi jireen dalalka martiqaada, waxaana la ogaa in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa dalka Maraykanka ku tageen Basaborka Somaliland.

Waxa haddaba isweydiintu tahay cidda u maqan Basaborka Somaliland ee laga sugayo inay dawladaha adduunka ku qanciso inay ogolaadaan Basaborka Somaliland, mar haddii madaxdii talada dalka loo dhiibay ay isticmaalayaan Basabooro ajanebi ah.