“Waa In La Diyaariyaa Xeer Somaliya Loogu Aqoonsanayo Cadowga 1aad Ee Somaliland”

0
4030

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Col. Cumar Maxamuud Nimcaale (Cumar-yare), ayaa goleyaasha dalka u soo jeediyay in la diyaariyo lana meel mariyo xeer Somaliya loogu aqoonsanayo cadowga koowaad ee ay Somaliland leedahay.

Col. Cumar, oo toddobaadkii hore u waramay Barnaamijka Hal Adeyg ee uu weriye Maxamed-Kuraase ku daadihiyo telefishanka HCTV, wuxuu shacabka dawladda iyo goleyaashaba ugu baaqay isku duubni, si looga gudbo marxaladaha adag ee uu dalku marayo. Waraysigaas oo aanu idiin soo koobnay, wuxuu u dhacay sidan:

Waxaad ahayd siyaasi ruug cadaa ah wakhti badana arimaha siyaasada ku soo dhex jiray ugu horaynta bal warbixin kooban naga sii xaalad dalka ee haatan sidaad u aragto?

Maanta xaladeenu meel adag ayay maraysaa, gudaha waa aynu wanagsanahay intaa yar ee Saylac iyo meelahaas ka dhacday mooyaane, laakiin arimaha dibada waxaynu ka maraynaa meel aad iyo aad u adag, waxaana loo baahan yahay inaan xoog isugu gayno dawlada, labada gole iyo shacbiguba, waana in aan meel uga soo wada jeedsanaa inaga oo ay ina kaabayaan qurba joogteenu, halgankii aynu Maxamed Siyaad Bare ku kicinay oo kale ayaa maanta inagu waajbi ah.

Dhawaan Somaliland waxay qaadacday ka qayngalka shirkii  London arintaas dhanka Diblomaasiyadda  dhib ma inagu yeelan  kartaa?

Shirkaas uu madaxweynuhu ka joogsaday wax dhib ah oo ay inoo gaysanayso ma arko mana jirto, bil cakisna waxa uu inoo samaynayaa sumcad waxaanay tusaysaa aduunka in aanay jirin wax inaga dhaxeeya Somaliya, shirkaasna waa la sheegay in Somaliya loo qabanaayo dhaqaalana loogu samaynaayo, waxii la doonaba haloogu sameeyee inagu ma nahin Somaliya, waxaynu nahay Somaliland, waanu ku hagaagsanaa madaxweynuu inuu qaadaco.

Adigoo waayo aragnimadaada eegaya haddii wakhtigan Somaliland ay ku biirto Somaliya maxaad dhib ah ee ka soo gaadhi kara?

Hadda anigu waan naxay sidii oo aynu ku noqonay, wax alle iyo wax noqosho ah oo nimankaas Somaliya inooga banaani oo aan dulinimo ahayn iima muuqato mana jirto, kuma noqon karno waayo kumanaan ayaa dhintay, kumanaan ayaa dhaawac ah,kumanaan ayaa barakacay  magaalooyinkeena ayaa la baabi’yay, waliba ma garanaayo wax aynu u gaysanay iyada oo laynoola dhaqmaayay cadaawad cadaawad ka tagtay. Waxaan talo ku soo jeedinayaa in baarlaankeena iyo xukuumadeenu ay soo saaraan xeer ay Somaliya ugu aqoonsanayaan cadowga koowaad ee Somaliland waana in mooshin-kaas la soo galiyaa oo sharci laga dhigaa.

Maxaad talo iyo tusaaleba aad shacbi iyo xukuumadba u soo jeedinaysaa adiga oo  wakhtigan ka faa’idaysanaaya?

Waxan soo jeedinyaa waar cadaw ayaa ina haysta oo inagu doodaaya aduunkana hadii laba qof ama laba kooxood is qabtaan labaa loo kala baxaa ka saddexaad waa xabad, dawlada waxaan kula talinayaa nimankan aan arko ee faraska cad inoo soo fuulay maanta ee meel walba ciladii ka kordhiyay kuwii hore ee yidhi Cali Samater shaqadiisa ayuu qabsanaayay markii uu laynaayay boqolaalka kun nimankaas anigu tanaasul kuma arko ee looyaradii qabta oo Hague [Maxkamadda caalamiga ah] hala tago oo aynu maxkamad isla galno wax allaale iyo wax ay ku doodayaan ma jirtee, waxaan qabaa ninka far xun kugu soo taaga toban farood ku taag, gaajo aad xornimo ku joogtaa waxay kaaga wanaagsan tahay dharag aad gunimo ku jirto, aynu taageerno dawladeena dawladuna haynoo hor kacdo ictiraafka. Xasan Sheekhna waxaan leeyahay Afweyne oo idinka Afweynaa waa uu na liqi kari waayay ee caqliga wanaagsan u noqo.