Shirka Agabar Oo Axada Inuu Furmo La Filayo Iyo Durufaha Siyasadeed Ee Ku Xeeran

0
550

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shirka Beesha Waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee Sacad Muuse, ayaa la filayaa inuu axadda beri ka furmo deegaanka Agabar ee waqooyiga Hargeysa.

Shirkan oo muddo ay qaban qaabadiisu soo socotay, ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan ergo tiro badan oo ay horkacayaan madaxdhaqameedku, waxaana maalmaha uu socdo shirkaas lagu lafo-guri doonaa arrimo badan oo beesha iyo dalkaba khuseeya.

Geesta kale, mudadii ay qaban qaabada shirkani socotay waxa shirka soo waajahay duruufo kala duwan oo u badnaa dhinaca siyaasadda, kaas oo ah loolan u dhexeeya siyaasiyiin beesha ka soo jeeda oo ku loolamaya hoggaaminta iyo murashaxnimada xisbiga KULMIYE. Loolanka ugu adagi wuxuu dhex marayaa guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labaduba ka soo jeeda beeshan. Labadan siyaasi ayaa ku loolamaya xilka murashaxnimada xisbiga KULMIYE, waxaanu nin waliba doonayaa inuu kasbado kalsoonida beesha. Taasina waxay sababtay dhawr goor inay caqabado soo waajahaan shirka, kuwaas oo marka mid laga gudbaba ay mid kale soo baxaysay.

Labadan siyaasi ayaa la filayaa inay iyagoo cududooda muujinaya ka qayb galaan shirkaas, waxaanay kala horkacayaan siyaasiyiinta kale ee beesha kaga jira xukuumadda. Waxase jira siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale oo beesha ka tirsan oo iyaguna dhexdhexaad ka ah taageerista labadan siyaasi iyagoo doonaya inaanu loolanka Muuse iyo Samaale caqabad ku noqon shirkaas iyo hawlihiisa.

Si kastaba ha ahaate shirkan ayaa la eegayaa jawiga uu Axadda beri ku furmo iyo waxyaabaha ka soo baxa.