Abwaan Hadraawi Oo Ka Hadlay Ismaandhaafka Ka Dhex Jira Xukuumadda Iyo Golaha Wada Tashiga

0
643

Picture6Hargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi),ayaa ku taliyay in loo baahan yahay dhinac saddexaad oo soo dhex gala golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo xukuumada Somaliland.

Waxaanu xukuumada ugu baaqay in ay ka hadliso xubnaha golahan oo uu sheegay inay ku jiraan rag cul culus oo naftooda wakhtiyo adag u soo huray dalka,waxaanu ku cel celiyay in loo baahan yahay in la wada ilaashado waxa yar ee la wada haysto(Somaliland).

Waxa uu sidan abwaan Hadraawi u sheegay wariye Aadan Cabdi Ciidle oo ka tirsan telifishanka HCTV,waxaana uu hadalkiisa abwaanu ku bilaabay isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay xaalada dalka sidan “Dalku waa kii soo maray dagaalada sokeeye ee soo maray dagaaladii shisheeye cid aynu ku xidhanahay oo wax inagu kordhisaana ma jirto waa inaga iyo Alle,waxaan u malaynayaa umadda dhex joogta iyo maamulka hogaaminaya dhamaantoodba waxba la hagran maayee waa xaaladeena uun.” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu abwaanku yidhi “Ragan golaha la baxay inta badan waa ragii halganka soo galay ee soo dagaalamay ee naftooda huray ee soo galay wakhtiga  dheer ee gaajada,haraadka iyo dhibta u soo adkastay. Malaa waxa jira tabashooyin iyo cabashooyin oo keenay arinka,waxaan anigu jeclaan lahaa in lays af-garto umadani waa isku mid oo waxay kala tahay ma jirtee in laysu dan sheegto uun oo waxii xaq ah go’aankeeda la qaato,oo kolay waxbay tabanayaane in loo yeedho oo la fadhiisiyo oo la yidhaado maxaa idiin daran oo laga hadliyo ayay u baahan yahiin iyagna way ogyahiin wadciga jira.”

Abwaanka oo la su’aalay bal inuu labadan dhinac dhex dhexaadintooda gali karo uu yidhi “Taasi waa lagama maarmaan laba dhinac haday is hayaan waa lagama maarmaan dhinac saddexaad  oo soo dhax gala oo wax laysku hayo ogaada oo dabadeena u gar naqa,dhinacaas saddexaad ayaa meesha ka maqan,way u baahn tahay waana shay meesha ku jira in laga hadliyo nimankan aynu magacooda sheegayno oo mushkiladooda la waydiiyo lana soo fadhiisiyo iyo in dhinaca kalena uu ka jawaabo,waxaynu mar walba ilaalinaynaa qaranimada iyo midnimada.waxaan anigu kolayba ku talin lahaa niman yahaw waad ka war haysaan waxii dalkan soo maray iyo dagaalkay galeen iyo dhimashadii waxa loo rogmaday waa waxan yar ee maanta gacanta lagu hayo,waxaan labada dhinacba kula talin lahaa inta lays soo hor fadhiisto in la wada hadlo oo nin walba siday latahay uu sheego.”