Shirguddoonka Wakiilada Oo Codsaday Inay Si Gaar Ah U Kulmaan

0
637

Picture3Hargeysa(Geeska)-Waxa si rasmi ah u furmay wada hadalkii laysugu soo dhawaynaayay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Ciro iyo labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed iyo Cali Yuusuf, oo khilaaf ka dhex qarxay uu ku baahay golaha wakiilada iyo guud ahaan dalkaba.

Xubnihii golaha guurida ee dhawaan isku hawlay daminta khilaaf kaas ayaa warbaahinta u sheegay in shirgudoonka golahu uu codsaday in iyagu ay toos u wada hadli doonaan ugu horaynta,intaas kadibana ay iyagu dhexdhexaadinta soo gali doonaan.

Guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Siciid Jaamac oo ah kusimaha guddoomiyaha golaha guuritda oo warbaahinta la hadlaayay ayaa si kooban u yidhi “Maanta [shalay] waxay naga codsadeen inaan fursad u siino inay wada hadlaan barina anagu aanu hawsha galno”

Khilaafkan xoogaan ee labada u kala jabiyay golaha wakiilada ayaa la filayaa in dhawaan lasoo afjaro.