Madaxda Tallo Iyo Tawfiiq Oo Mar Kale Si Faahfaahsan Uga Hadlay Xadhigii Lagula Kacay

0
664

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha iyo guddoomiye xigeenka Tallo iyo Tawfiiq ee Beelaha Habaryoonis Xasan Xuseen Faarax   iyo Yaasiin Saleban ayaa shalay si faahfaahsan uga hadlay xadhigooda iyo sababaha ay aaminsanyihiin inay keeneen.

Labada oday oo shalay saxaafadda qaarkeed kula hadlay Hargeysa, waxa ay muujiyeen sida uu xadhigoodu u noqday mid aan la jeclaysan. Guddoomiye Xasan Xuseen oo ugu horayn arrimahaas ka hadlayaa wuxuu yidhi  “Waxaanu ka hadlaynaa fal aad u fool xun oo nagu dhacay anigoo ah guddoomiyaha Habaryoonis Xasan Xuseen Faarax iyo guddoomiye xigeenka 1aad Yaasiin Saleban Maxamed Nuur, oo ah fal ciddii maqashayba aanay jeclaysan. Annagu waxaanu nahay guddi reerku soo doortay oo shirweyne lagu doortay oo loo doortay  horumarka iyo nabadda reerka, cid kasta oo Somalilnd degen in reerku nabad kula noolaado, kana shaqeeyo nabadda iyo horumarka reerka.”

Isagoo odaygu hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Had iyo goor waxaanu ku hawlanahay in nabad taam ahi dalka ka  jirto oo dadku nabad ku wada noolaado, markaas waad ogtihiin oo maalmahan waxa soconayay buuq ka jiray golaha wakiilada oo ay dawladu dabada ka riixayso oo dhawr ujeedo leh, arrimahaas oo shucuurtii dadka kiciyay, gaar ahaan beesha aanu guddoomiyaha u nahay, markii kursigii guddoomiyaha Baarlamaanka oo beesha ka soo jeeda ay dawladu dhaqdhaqaajisay inay meesha ka saarto, ayaanu u qabanay shir dhawr kun oo qof gaadhaya magaalada Hargeysa annagoo dadka ku wacyigelinaynay inay xaaladda nabad ku waajahaan, baarlamaankuna xeerarkiisa iyo sharcigiisa isagaa isku maamula, markaas shirkaas ayaanu qabanay, markii aanu ka soo baxnay ee aanu nimid hoteelkii aanu degenayn ayaa saddex baabuur oo ciidamo SPU iyo RRU isugu jiraa ay gaadh naga qabteen, aniga iyo guddoomiye xigeenka oo keliya ayaanu ahayn, dabadeedna hoteelkii ayaa lanagala baxay oo la yidhi soo baxa.”

Ugu dambayn wuxuu guddoomiyuhu farriin kulul u diray xukuumadda, waxaanu yidhi  “Beeshu way uga fadhidaa dawladda ciddii amarkaas bixisay kan iyo kii horeba [Xadhigooda iyo xadhigii badhasaab xigeenkii hore ee togdheer] iyo asbaabta keliftay in reerka madaxa laga gooyo oo waxaas oo kale lagu sameeyo.”

Guddoomiye xigeenka Tallo iyo tawfiiq Yaasiin Saleban, ayaa isna yidhi,  “Waxaanu nahay guddi horumarineed iyo nabadayn ka shaqaysa. Waxa noo yimid annagoo hoteelka ku socona, waxaanu ka war helnay baabuur ordaya oo askari istaag nagu leeyahay, markii aanu joojinay qorigii ayuu kala soo degay ilaanu ka degnayna xabada wuu nagu hayay. Shirkadda aanu habeenkaas ka soo baxnay waxaanu diyaar u nahay in Telefishanka laga sii daayo waxaanu ku hadlaynay, waxaanu ogolaanay markaanu shirka furaynay wax ala wixii ka socday hay’adaha sirdoonka inay Mobile-ka ku duubaan waanay duubantahay cajaladaasi; haddii wax dambi ah lanagu helo annaga ayaa lana qabanayaa. Waxaanu u sheegaynaa hay’adaha dawladda intaanu guddi ahaan shaqaynaynay, haddii ay soo helaan qodobka dambi ah ee aanu galnay annagaa diyaar u ah inaanu maxkamad galno,  haddii inay na kiciyaan ay u jeedaana intaas ku kici mayno.”