Abwaan Hadraawi Oo Farriimo Waano Iyo Dardaaran Ah U Diray Xildhibaanada Golaha Wakiilada

0
968

Picture4Hargeysa(Geeska)-Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka xoogan ee golaha wakiilada ka dhex qarxay ee gaadhay in xildhibaanada qaarkood ay is faro saaraan.

Abwaan Hadraawi waxa uu golaha talo ugu soo jeediyay inay karaamada muwaadiniintii doortay ay ilaaliyaan, isla markaasna ay isku dayaan inay wax u qabtaan dadweynihii danaha lahaa ee codka siiyay.

Waxa uu sidan ku sheegay abwaan Hadraawi isaga oo warbaahinta kula hadlaayay magaaladda Hargeysa,waxaanu isaga oo arrimhaas ka hadlaaya uu yidhi“Waxaynu sugaynay oo aynu rajo ka qabnay wax la yidhaahdo ictiraaf ,aqoonsigaas iyo ictiraafkaasi wax weyn ayay soo kordhin lahaayeen oo caalamka ayay albaabadiisa inoo furi lahaayeen,mar walba waxii halkan ka dhaca caalamku waa uu ka war hayaa inagaana wax ku waayayna oo cid waliba waxii ay ina tari lahayd waxa beeninaya xaqiiqda ka jirta dhexdeena.”

Abwaan Hadraawi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Anigu waxaan ku talin lahaa waar aynu karaamadeena ilaashano wax beera kalgacl iyo aqoonsina aynu ku talo galno.kaadhadh ayaa loogu talo galay inay qaataan oo ay umaddu leedahay waa la xishmadeeyay,la maamuusay oo la darajeeyay oo inta la doortay loo sacbiyay kuraastiina lagu fadhiisiyay,waxay ahayd inay umadda kalgacalkeeda laga jawaabo,markay taas oo kale dhacdo shacbiga in badan waa uu murugaysan yahay oo codkiisii iyo da’dalaakiisii oo aan la qiimayn ayaana muuqata,golahaasi umadda ayuu ka wakiil yahay umaddaasina muraado ayay leedahay oo xaalado adag ayay ku jirtaa, waxaana loogu talo galay waxii loo doortay oo ah inay wax soo kordhiyaan.odhan mayno waa Ri’ isnuugtaye, laakiin maanta canaantu way ku badantahay,runtiina milgana maaha maamuusna maaha nin masuul ah oo meel fadhiistay in ay timaado mushkilad keenta in lagala noqdo u hanwaynaantii.”

Ugu danbayntiina Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday“Umad ayaa idin dooratay oo ujeedo iyo muraad ay leeyihiin ayay idiin doorteen waa ku dhaawac umadaas aad maanta dhexdooda isku haysataan ee umadda xaqeeda siiya oo wax kale haddii aad kari waydaan maamuus,wanaag iyo gobonimo dhexdiina ha jirto,waxa maykarafoonka lay hor dhigay raggii wax laga sugaayay ee dalka iyo dadka loo doortay ayaa maanta mushkiladii iyaga dhextaalay lay waydiinayaa.”