Shirguddoonka Guurtida Iyo Wakiilada Oo Sheegay Inay Dhammeeyeen Khilaafkii Ka Dhex Oognaa Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa

0
566

 

Picture3Hargaysa( Geeska )-Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah warbaahinta ugu qabteen shirgudoonka labada gole ee guurtida iyo wakiilada, ayaa ay kaga dhawaaqeen inay dhameeyeen khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Shir gudoonku waxa uu xusay inay la kulmeen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisaba isla markaasna ay ka codsadeen inay dhammeeyaan khilaafka dhexdooda ayna shaqada qaranka u midoobaan.

Inkasta oo shir gudoonku aanu wax faah faahin ah ka bixin nooca khilaaf ee ka dhaxeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo sida ay u furdaamiyeen hadana hadal kooban oo uu gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Ciro ), warbaahinta siiyay waxa uu ku yidhi “ Markaanu dhagaysanay Madaxweynaha iyo ku xigeenka una soo jeedinay inay soo afjaraan iyaga oo danta guud ee qaranka eegaya khilaafkooda la maqlay, waxaanu shacbiga reer Somalilnad iyo warbaahintaba u xaqiijinaynaa in madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Saylaci ay soo afjareen dhammeeyeena khilaaafkii aad maqmaqasheen ee idin soo gaadhay iyaga oo wax walba ka horaysiinaaya danta qaranka, ayna ku heshiiyeen inay si wada jir ah gacanta isku qabsadaan fulinta hawlaha dastuurku u igmaday.”

Shirkan jaraa’id waxa gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ku wahelinaayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure,ku xigeenkiisa iyo labada gudoomiye ku xigeen ee golaha   wakiilada.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa banaanka u soo baxay khilaaf ka dhex jira Madaxweynaha iyo ku xigeenka oo salka ku haya dhinaca awoodda.