Eng. Baashe Cabdi Gaboobe Oo Khiyaamo Qaran Ku Tilmaamay Ka Qayb Galka Shirka Ingiriisku Qabanayo

2
621

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, oo ahaa guddoomiyihii ololihii doorashadii madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsanaa gobalada galbeed ee dalka, ayaa ka digay inay Somaliland ka qayb gasho shirka uu Ingiriisku qaban qaabinayo ee bisha May qabsoomi doona, kaas oo ay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya iyo Raysalwasaaraha Ingiriisku.

Eng. Baashe, qoraal uu xalay soo saaray wuxuu ku yidhi sidan:” Waxaan maqaal hore oo aan ku falanqenayo ujeedada shirki London ee qabsomay 23/2/12 ku sheegey in adduunka oo reer galbeedku  hormood u yahey galey marxalad adag oo qalalaasey iyo jahawareer siyaasadeed iyo dhaqaale(financial crisis of 2008 caused by the American housing bubbles which led to world economical recession) taas oo galaafatey  xukumaddo iyo siyaasiyiin fara badan oo muddo dheer xukuumaayey wadamadooda sida perlisconi,Sarkouzi,Papandro iyo Gordon Brown iyo guga Carabta oo madax dawladaha Carbeed ridey.Haddaba waxa xaqiiq marag ma doon ah in kharidada siyaasadeed iyo dhaqaale ee addunka isbeddaleyso oo halka dawladaha reer galbeedka dhaqaalahooda iyo awoodooda siyaasadeed hoos u socoto ay dawlada kale sida

china,India ,Brazil,Russia,Turki iyo South Africa u dhaqaalahooda iyo awoodooda siyaasadeed kor usocto.Taas oo u muqata in dawladaha reer galbeedku markey arkeen in tartanki laga dheerenayo iyago tix raacaya maahmaahda somaaliyeed ‘’bahal ceydhin ma daayo nina caadadi ma baajo’’ ay dib ugu noqonayaan Siyaasadoodi hore waqtigi gumeysiga oo aha iney fara gelin qaawan oo military ku qadaan dawladaha ay khayraadka ku tuhmayaan iyaga iyo xulafadooda iyago ka faa’ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira wadamada addunka seddexaad, sababaha qaarkoodna reer galbeedku abuuraan sida Ciraq (Sababta Bush iyo Tony Blair Ciraaq ugu duuleen waxay haysata HUB wax gumada WMD oo marki ay qabsadeen la waayey),Libiya,Ivory coast,Mali iyo Somaalia iwm.Haddaba ra’isal wasaare David Cameroon isago ku yimid duruufaha aan kor ku xusey oo aan aqlabiyad parliament heysan oo ku jooga isbaheysi xisbigisa muxaafidka ah iyo xisbiga Liberalka  aya marki ay ku guuleysteen in Libiya ay ka saraan Ruushka,China iyo Turkiga oo kontraktyadi dib u dhiska Libiya ,petrol soo saaristi iyo suuq geyntisa ay dawladaha reer galbeedku la wareegen aya  doonaya si u doorashada dambe ugu guuleysto inu balaadhiyo awooda dhaqaale iyo siyaasadeed ee dawladda Britain taas oo ah sababta ka dambeysa inu maanta indho la’aan isku soo qaado Somalia si u midnimadeedi ku sanduleyo jamhuriyadda  S/L (wa riyadisa) . Haddaba aynu eegno qorshaha dawladda Britain u dejisay SHIRKAN dhici doona 07may,13.

‘’Shirka waxa ka soo qeyb galaya dhamaan ururadda gobolka,dalalka jaarka ,ururadda caalamiga ah iyo kuwo kale,cidda kale ee shirka ka soo qeyb galleysa waxa si wada jir uga tashan doona oo isku raaci doona dawlada Somalia iyo dawlada Britain oo shirkan iyagu wada qabanaya’’.Qoraal wasaaradda arrimaha debedda ee Britian

Bulshada caalamku waxay taageero ka geysan doonta sidi ay gacan u siin laheyd dawladda cusub oo loo dhan yahey oo laga wada dhex muuqdo ,isla markaana wa iney dawladdu bilowda xallinta iyo xal u helidda arrimaha ugu waaweyn sida ammaanka,degenaansho la’aanta iyo waliba iney ka geysato gacan wax qabad oo muqata dadkeeda Soomaaliyeed.

Waxaa Shirkani lagaga caawinaya dawladda Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa ciidamada militariga ,boliska ,illaalada xeebaha iyo habka maamuulka maaliyadda iyo dhaqaalaha.Qoraalka FCO ee Britain.

Haddaba marka aynu dhuuxno qorashaha dawlada Britain ay u dejesay Shirkan ay si siman u hoggaaminayaan Ra’isal wasaaraha Britain iyo madaxweynaha Somalia iyo indha’adeyga iyo tix gelin la’aanta ay no mujisey dawladda Britain oo ay ku sheegeyso DAWLAD LOO THAN YAHEY OO LAGA WADA MUQDO ,ma waxaan ka dhageysanna xukuumadda madaxweyne Silaanyo ee safaaradaheni debedda badankoodi soo wada xidhey, talo qaran halaga yeesho iyago ujeeddadu tahey in ayaamaha u dambeya ay waxey doonaan ka  sexeexdaan golaha wakiilada iyo guurtida sida caadadoodu tahey(Rubber stamp parliament). Wax talo qaran laga yeesha meesha ma yaallo ee ciddi ka qeyb gasha wa khaiin al wadan,shacabka Jamhuriyadda S/Lna wa iney fadhiga ka kacaan oo kuwa Britain jooga la xidiidhaan xildhibaanada Britain ee taageersan qadiyadda goni isu taaga Jamahuriyadda S/L.Gudo iyo debedda ba wa in shacabka Jamhuriyadda S/L u diyaar garobaan iney ku mudaaharadaan Shirka London iyo ciddi ka qeyb geleysaba .

 Eng.  Bashe Cabdi Gaboobe,

Guddoomiyihi hore oloolaha doorashada madaxtooyada 2010 ee saddexda gobol ee galbeed

Comments are closed.