Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanka Oo Cadaysay Qodobada Ay Madaxweyne Siilanyo Ka Wada Hadleen Iyo Nuxurka Ku Duugan

0
620

 

Picture10Washington(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay kulan uu Madaxweyne Siilaanyo 25 April, la yeeshay ku xigeenka xoghayah arrimaha dibadda Maraykanka Mss. Wendy Sherman.

Warsaxaafadeedkaas oo soo baxay 26 April, oo ah maalin ka dib kulankaas uu Madaxweynuhu la yeeshay haweenayadan, ayaa waxa lagu sheegay in Maraykanku Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay dhawr qodob oo labada dhinacba dan u ah  kuwaas oo ay ka mid yihiin dimuqraadiyadda, degenaanshaha iyo baahida loo qabo in lala dagaalamo Al-Shabaab. Warsaxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay in haweenaydaasi Madaxweyne Siilaanyo u cadaysay sida uu Maraykanku u taageersanyahay midnimada Somaliya iyo nabadgelyadeeda. Warsaxaafadeedkaas oo aanu Somali ku soo turjunay, laguna baahiyay barta ay wasaaradda khaarajiga Maraykanku Internetka ku leedahay, wuxuu u qornaa sidan: “Shalay [25 April], kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku, waxay la kulantay Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo. Sherman, waxa ay Madaxweyne Siilaanyo ka wada hadleen arrimaha ay labada dhinac wadaagaan oo ay ku jiraan degenaanshaha, Dimuqraadiyadda iyo dawladnimada iyo baahida loo qabo in Al-Shabaab lala dagaalamo. Maraykanku wuxuu cadeeyay taageeradiisa sii waditaanka wada hadalada dawladda Somaliya iyo maamulka Somaliland ee April 13 ka dhacay Turkiga. Maraykanku wuxuu ku celceliyay taageerada xoogan ee uu u hayo Somaliya midaysan oo nabadgelyo ah.”

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Mr. Rashiid Gaaruuf, ayaa warsaxaafadeed uu isna ka soo saaray kulankaas, waxaanu habayaraate ku soo hadal qaadin qaar ka mid ah qodobada ku jiray warsaxaafadeedka ay dawladda Maraykanku soo saartay. “Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay waftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia. Waxay kaloo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykan ahaan. Kaas oo wakhtiga dhow la suurto gelin-doono.

Waxay kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay waftiga in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay shower-teen in ay ka qayb qaataan sanduuqa Somaliland.” Sidaas ayuu wakiilku ku yidhi qoraalkiisa, isagoon soo haba hadal qaadin qodobo uu Maraykanku Madaxweynaha kala hadlay oo lagu cadeeyay warsaxaafadeedka lagu baahiyay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.