Shir Lagu Xoojinayey Midnimada Sunniga Iyo Shiicada Islaamka Oo Xitaa Qibladii Salaadda La Isku Khilaafay

0
681

Picture8Tehran (Geeska)- Wakaaladda wararka dalka Iraan ee Rasa ayaa faafisay sawirrada salaad jamac ah oo ay gaar gaar u kala tukanayeen culimada muslimiinta Shiicada iyo Sunniga oo dhowaan magaalada Tehran ku yeeshay kulan ay kaga wada hadlayeen xoojinta midnimada Islaamka.

Kulankii 20aad ee midnimada Islaamka ayaa magaalada Dahraan ee caasimadda dalka Iiraan ka socday intiii u dhaxaysay 7dii illaa 8dii Bishan Jeenawer,  waxaana shirkan isku-dubaridkiisa iyo abaabulkiisa horeba lahaa Golaha Caalamiga ah ee isu soo dhoweynta mad-habyada Islaamiga ah, warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Iiraan oo shirkan furay ay hadalladiisii bilowgii ka mid ahaayeen, “Haddii burburka ka dhacay Xalab (Suuriya) Mawsil (Ciraaq) iyo Lubnaan aynu u aragno in uu la mid yahay burbur ku dhacay Riyaad, Urdun iyo Pakistan midnimada aynu doonaynaa waa ay rumoobaysaa… Haddii aynu dhibta haysata Shiicada iyo Sunniga dunida daafaheeda oo dhan ku dhaqan u aragno in ay tahay dhib innagana ina haysata, waa ay rumoobaysaa midnimada aynu rabnaa”

Si kastaba ha ahaato ee qiiradii iyo niyad wanaaggii bilowgii laga dheehanayey shirkan iyo hadallada kala duwan ee ay ka jeedinayeen ka qayb-galayaasha oo ay ka mid ahaayeen culimi ku xeel dheer labada mad-hab ee Sunniga iyo Shiicada waxaa bi’iyey warka ay maragga ka yihiin sawirradan hadda laga baahiyey gudaha goobta uu shirku ku socday oo muujinaya in xilliyada salaadda ay culimadani iyaga oo isku mar tukanaya isku meelna ku tukanaya ku midoobi kari waayeen, taasina ay muujinayso sida ay u adag tahay in dad salaadda aan isku waafaqsanayni ay aragtiyo kale oo diineed ay uga midoobaan.

Wararka ka soo baxay kulankan ayaa sheegaya in ka-qayb-galayaashu ay xitaa isku waafiqi waayeen jihada ay tahay in salaadda loola jeesto (Qiblada) oo dabcan ah Kacbada.

Arrintan ayaa doodo kulul iyo muranno adag ka dhex abuurtay labada bulsho ee Sunniga iyo shiicada waxaana maalmihii u dambeeyey laga dareemayey bar-kulannada bulsho ee internet ka oo la arkayey sida ay labada dhinac ugu kala aragti duwan yihiin arrimaha diinta, arrintaas oo kalliftayn markiiba wakaaladda wararka ee Rasa ay degelkeeda internet ka ka saarto sawirradan  iyo warkii ku lammaanaa oo saacado yar uun ku jira.