Magacyada Iyo Deegaanada 11 Xubnood Oo U Dhashay Somaliland Oo Ka Mid Noqday Golaha Wasiirada Ee Xukuumadda Loo Dhisay Somaliya

0
819

Picture7Hargeysa(Geeska)-Liiskii golaha xukuumadda Somaliya ee uu habeen hore ku dhawaaqay raysalwasaaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa ka dhex muuqda xubno u dhashay Somaliland oo ka mid noqday xukuumadaas.

Xubnahan ayaa isugu jira kuwo ku cusub siyaasadda Somaliya iyo kuwo hore ugu soo jiray.  Tirada guud ahaan wasiirada, wasiirul dawlayaasha iyo wasiir xigeenada loo dhisay Somaliya ayaa ah 60 xubnood, waxaana reer Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda 11 xubnood.  Waxaanay magacyadooda iyo deegaanada ay ka soo jeedaan kala yihiin sidan;

Maxamed Cumar  Carte, Raysalwasaare -xigeen (Gobalka Hargeysa) Daauud Maxamed Cumar, Wasiirka  Macdanta iyo Batroolka, (Gobalka Sool)

Cabdillahi Axmed Jaamac “Ilkajiir” Wasaaradda Waxbarashada, (Sanaag Bari)

Cabdalla Boos Axmed, Wasiirka  Boostada iyo Isgaadhsiinta, (Galbeedka Burco)

Cabdiraxman Ducaale Bayle, wasiirka Arrimaha dibadda (Gobalka Awdal)

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka  Korontada iyo Biyaha, (Bariga Burco) Maxamed Cali Xagaa , wasiirul dawlaha  Gaashaandhigga (Gobalka Salal)

Jamaal Xasan Ismaaciil, wasiir-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha (Gobalka Hargeysa)

Siciid Jaamac Maxamed Qaalib, wasiir-xigeenka kalluumaysiga iyo khayraadka badda (Hargeysa)

Cabdikarin Cige Guuleed, wasiir xigeenka Xanaanada Xoolaha (Gobalka Awdal )

Xaamud Cali Xasan, wasiir xigeenka  Waxbarashada (Gobalka Salal) Xubnahan ayaa qaarkood waxa ay sidoo kale ka tirsanyihiin Baarlamaanka Somaliya. Qaar kalena waxa ay siyaasadda Somaliya la haysteen 20-kii sannadood ee ugu dambeeyay iyagoo dhawr goor wasiiro ka noqday dawladihii kala dambeeyay ee Somaliya.