Shir Lagu Darsayay Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Tamarta Oo Lagu Soo Gaba-Gabeeyay Hargeysa

0
585

Hargaysa(Geeska)  Shir ay Soo qaban-qaabiyeen Ururka Shuraako oo socday Muddo Afar cisho ah, kaas oo lagu darsayay sidii kor loogu qaadi lahaa tamarta Cusboonaata ee laga dhaliyo hawada iyo cad-ceeda oo khubaro ku takhakhustay ay bixinayeen ayaa shalay magaalada Hargaysa lagu soo afmeeray. 

DSC05560(1)

Kulanka ayaa waxa laga soo soo saaray Shan Qodob oo lagu muujinayo in lateegaro sidii ay tamartaasi laga dhalinayo hawadu u Kobci lahayd iyo in latageero shirkadaha koronta sidii ay u adeegsan lahayeen tamarta cusboonaata. 

Agaasimaha Guud Ee Ururka Shuraako LEE C. SORENSEN ayaa rajo ka muujiyay in kobci doonto qorshayaasha aduunku ku doonayaan in la adeegsado tamarta cusboonaata si looga gudbo tamarta shidaalka ka samaysan.

Ugu Horay Guddoomiyaha Guddoomiyaha Ururka Shuraako ee Somaliland Cabdikariim Gole ayaa ka hadlay shirkan lasoo gaba-gabeeyay oo ay ka soo qayb galeen 16 wadan oo aduunka ahi qodobada laga soo saaray waxaana uu yidhi.

“Shirkan aanu maanta halkan ku qabanay waxa uu daba socday shir hore oonu ku qabanay dalka Kenya magaaladiisa Nairobi, maanta waxaanu ku qabanay caasimada Somaliland ee Hargaysa ujeedkayguna waxa uu ahaa sidii aanu ganacsatada yaryar usoo gacan qaban lahayn si ay iyaguna bulshada shaqo ugu abuuraan, anaga oo awooda saaranay tamarta cusboonaata sida Cad-ceeda iyo dabaysha, waxaana shirkan ka soo qayb galay ilaa 16 tobban wadan gaana ilaa New Zealand, imaraadka ilaa Africa,waxaana soo casuunay khubaro bixinaysa Casharada ku saabsan tamarta Cusboonaata. 

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi.”waxyaabaha shirkan lagaga hadlay oo u mihiimsanaa shan qodob,waxana u kala saarnay laba qodob, qaybta 1aad waxa ay ahayd maamulka ama xaga tamarta si markaas loo helo tamar lagu kalsoonaan karo si aanay dadka khatar u galinin, qodobka 2aad waxa uu ahaa sidii ay ganacsigu u kori lahayeen, wax soo saarkana u kordhin lahayeen.

Guddoomiyaha Ururka Shuraako ee Somaliland Cabdikariim Gole ayaa tilmaamay horumarka laga samaynayo tamarta cusboonaada aduunku horumar gaadhay, si ay Somaliland qayb teeda uga qaadan lahayd ayaa uu sheegay in madashan khubaro takhakhus u lahi ay soo bandhigeen.

“waxaana madashan ku sugnaa oon ka maqnayn ganacsato aad u danaynayay in ay maal-gashadaan tamarta cusboonaata, waxaana iyaguna aan madasha ka madh-nayn oo lagu qadaa dhigay sidii shaqaale xirfad ahaan iyo aqoon ahaanba waayo aragnimo u leh loo heli lahaa ayaa madasha lagu soo bandhigay. 

Geesta kale waxa uu tilmaamay markii lagorfeeyay shanta qodob ee madasha lagu soo bandhigay ee ka turjumaya sidii tamarta cusboonaata loo horumarin lahaa lagana gudbo tamarta baatroolka oo dunida ku hayso hawo gadi, ayaa Cabdikariin Gole tilmaamay in qodobadan lagu soo gunaanday shirkan oo socday muddo afar cisho ah.

“waxa loo baahan yahay in lasameeyo dugsiyo ku tababara dadka tamarta cusboonaada sidii ay u baran lahayeen farsamo ahaan, waxaana sidoo kale ka soo baxay oo qodobka 2aad ahaa in la xoojiyo ururada korontada, iyaguna waa ku waajib in ay samaystaan urur korontadu ay ku midoobaan, qodobka saddexaad ee shirkan ka soo baxay waxa uu ahaa in lasameeyo gudi ka shaqaysa tamarta cusboonaata waxaana ay gudidaasi ka koobnaan doontaa, dawlada, shirkadaha koronta iyo cid kasta oo xiisaysa, waxaana kale oo shirkan lagu xoojiyay in sharciyada lagu hagayo korontada laxoojiyo si ay hadhow noqdaan qaar lagu kala baxo.

Guddoomiyaha Ururka Shuraako ee Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay qodobka ugu danbeeyay ee shirkan lagu darsayay sidii tamarta hawada iyo qoraxda looga faa’idaysan lahaa ay uu yahay sidii loo xoojin lahaa maalgashiga lagu samaynayo xaga tamarta cusboonaata,loona raadiyo maal-gashi badan si ay u kobacdo.

“Shirkan waxa ka soo qayb galay dad gaadhaya ilaa 300 oo qof kuwaas oo ka kala yimid 16toban wadan oo dunida ah, waxaana ay ujeedku ahayd sidii tamartan xil wayn la iskaga wada saari lahaa, shirkuna waxa uu ku soo xidhmay si aad u wanaagsan,kaas oo lagu bixiyay tareerino aad u wanaagsan oo bulshada iyo dalka Somaliland ee nasiib u helay In lagu qabto manaafacaad badan ugu fadhiya.

Gees kale waxa uu isaguna madashan hadalo kooban oo ku saabsan in shirkani ahaa mid muhiimada badan ugu fadhiya bulshada caalamka dardarna loo baahan yahay in galiyo madasha ka jeediyay soo gunaanday shirkan oo socday mudo afar cisho ah casharadana ay bixinayeen khubaro ku xeel dheer cilmiga tamarta cusboonaata lagag dhaliyo soo afmeeray Agaasimaha  Shirka Shuraako LEE C. SORENSEN.

“Shirkani waxa uu mid  bulshada caalamku ay indhaha ku hayso,waxaa uu ahaa mid faa’ido badan oo lagaga guurayo shidaalka dunida ka qaylinayso loona guurayo tamarta jaban ee cusboonaa lagana dhalinyo hawada iyo qoraxda, markaas kulankani waxa uu mid lagu lafa guray sidii horumar looga samayn lahaa,qodobo badan oo dabar u  noqon doonan madasha laga jeediyay, markaas kulankan waxaan ku rajo waynahay inuu ahaa mid wax badan laga bartay.

Agaasimaha Shirka Shuraako LEE C. SORENSEN ayaa shirkan soo xidhay,waxaana uu ku amaanay wasaarada macdanta doorka muuqda ee ay ka qaataday, waxaana uu rajeeyay in horumar fiican Somaliland ka samayn doonta tamarta cusboonaata, isaga oo dhiiri galin siiyay ganacsatada waawayn iyo kuwa soo gacaya in ay gacan qabtaan shirkadaha koronta,si ay uga gudbaan tamarta shidaalka una gudbaan tamarta cusboonaata ee hawada iyo qoraxda.

Maayarka Caasimada hargaysa cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in caasimadu nasiib u hesho in ay casuunto dalal badan oo caalamka ka mid ah iyo shirkan caalamiga ah ee lagu darsayo sidii looga gudbi lahaa tamarta shidaalka loona Gudbi lahaa tamarta cad-ceeda oo dalkeenu aad uga faa’idaysan doono.