Xildhibaan Siciid Gaane Oo Ka Hadlay Guddiga Ictiraafka

0
539

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay Guddida uu Madaxweynuhu u magacaabay aqoonsi raadinta Somaliland, waxase  uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Xukuumaddan oo muddo xilkeedkeedii ugu hadhsan yahay wakhti koobani in haddana Guddidan la magacaabo.

ixildhibaan siciid gaane

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey  xayiraada ay Maxkamadu saartay  Wershada Dacar-budhuq, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Xukuumadda markii ay taladda dalka ku guulaystay ayey Madaxweynaha u haboonayd inuu Guddidan magacaabo, waxa kale oo haboonayd in markii wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uu magacaabo, markaas inkasta oo wakhtigii ku haboona aan la magaacabin Guddida aqoonsi raadinta Somaliland haddana magacaabistaasi dadweynuhu wuu qaadan karaan, weyna liqi karaan, Guddidan loo magacaabay aqoonsi raadintana waxa laga yaaba inay dib u soo xasuusiso aqoon Caalamkii ilaabay Somaliland gooni istaageedii,  waxaan is lahaa Xukuumaddani ma xasuusna ictiraaf raadinta ee haddii uu Madaxweynihii Guddidan magacaabay waa caadi, balse waxa ay ku xidhan tahay markasta sida loo abaabulo iyo sida loo hawlgaliyo Guddidan".

Xildhibaan Siciid Gaane oo dhanka kale ah Guddoomiyaha Guddida Deeganka iyo khayraadka ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu ka hadlaayey Xayiraada Warshada Dacar-budhuq ayaa yidhi "Dhibaato la darsay oo la ogaaday inay warshadaas Harguhu ku hayso shacabka ayaa jirtay oo anaga xittaa na soo gaadhay,  dhibaatadaasi waxay wax yeeshay dadkii iyo deegaankiiba, anagu guddidaydu waa guddidii qaabilsanayd,waxa aanu mar qudha weynay in la iskaga yimaado oo Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Warshadaha iyo Guddidani, cabashada dadweynaha iyo cilmi baadhis arintan ku saabsanba waanu haynay, liisanka markii hore Dawladda ayaa bixisay, waxaana qofka xoolihiisi ka qaadi kara sharci, xeerarkii iyo sharciyadii hawlahaas oo dhan ku saabsan ayaa maqan, ilaa haddana Wasaaradda Warshadaha kama hayno xeerkii Warshadaha, Wasaaraddo badan ayaanu qoraalo u qornay, oo aanu nidhi keena sharciyadiini, ilaa haddana kama hayno, markaas in Maxkamadu xayirto oo qudha maaha, ee waa in baadhis lagu sameeya dhibaatada caafimaad daro ee ka dhalatay warshadan, oo xittaa sida aanu ognahay ilaa 10km oo Dooxaha ah ayaa sumaysan, suntaasina waxa ay keentay dhibaatooyin badan, oo xittaa badda ayey dhibaato ku keenaysaa."