Dhallinyaro Cambaaraysay Odayaasha Loo Xidhxidhay Falkii Lagu Weeraray Diiwaangelinta

0
593

Hargeysa (Geeska )- Dhalinyaro ka soo jeeda waqooyiga Hargeysa ayaa ka hadlay dhacdadii lagu weeraray goobta ay diiwaangelinta codbixiyeyaashu ka socotay ee deegaanka Hadayta oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, waxaanay dhaliileen hawlgalkii loo xidhxidhay salaadiinta lagu xidhiidhiyey abaabulkii falkaasi. Dhalinyaradan oo magaalada Hargeysa kula hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa cambaareeyey xadhiga madax dhaqameedka loo xidhay weerarkaas iyaga oo sheegay in ay mabda’ ahaan taageersan yihiin mawqifka salaadiinta iyo madax dhaqameedka xidhan.

“Hadaanu nahay dhalinyarada kasoo jeeda gobolka Maroodijeex aniga oo afkooda ku hadlaya waxaan ka hadlaynaa oo aanu sheegaynaa inaanu aaminsanahay hadafkii salaadiinta halkii ay kasoo qabqabteenna [ciidanka bilaysku]  geedi ku nahay oo aanu ku  soconno” sidaas waxaa yidhi mid kamid ah dhalinyaradii halkaasi ka hadashay oo isaga iyo xubno kale oo dhiggiisa ahiba ay ku doodeen in ay deegaankaas  weerarku ka dhacay uu yahay mid ay hore u degenaan jireen iyagu.

“Gobolkan Maroodi-jeex marka laga bilaabo ceel-sheekh ilaa Ceel-la-helay, ilaa Cabdi Geedi ciddii lagu yaqanay waa la garanayaa, dawladana waxaan leeyahay waa tii laga xishoonayay ee dalka maamulaysay, laakiin haddii ay indho la’aan keento waa la isla indho beelayaa. Waxaana aniga oo salaamaya ciidanka iyo madaxweynehaba waxaan ugu baaqayaa in ay dadka isku hagto” sidaa ayuu yidhi mid kamid ah dhalinyaradaasi.