Shir Duco & Dhaqan Oo Beesha Adan Madoobe Ugu Soo Xidhmay Dhagax-Dheer Iyo Qodobada Ka Soo Baxay

0
733

Dhagax-dheer(Geeska)- Shir dhaqameed beesha Adan Maxamed (Adan Madoobe) kaga hadlayeen arrimaha dhaqanka, kana soo qeybgaleen cuqaal, waxgarad, haween iyo dhalinyarada beesha ayaa jimcahii lagu soo gebagebeeyey magaalada Dhagax-dheer.

shirka 1

Shirkan oo muddo todobaad ah socday, ergooyinka gudaha dalka iyo dibedaha ka kala yimi ka qeybgaleen, oo arrimaha dhaqan  ee beesha iyo ducco ku saabsanaa, isla markaana ka madaxbanaanaa arrimaha siyaasada ayaa gebagebadiisii laga soo saaray todoba qodob oo ergooyinkii isku raaceen.

Shirkan beesha Adan Maxamed ee Habarjeclo qabsadeen oo loogu magic-daray Dhagax-dheer 1, isla markaana hogaaminayeen Chief Caaqil Barkhad cabdi Sheybe iyo Caaqil Cabdillahi Saxardiid Gaax-nuug Saleebaan iyo guddi qabanqaabada shirka ayaa lagu go’aamiyey guddi ka kooban 16 oo arrimaha beesha loo xilsaaray.

Xidhitaankii shirkaa oo ka soo qeybgaleen, cuqaal, waxgarad, haween, dhalinyaro iyo martisharaf kale, ayaa go’aamadii shirka ka soo baxay ayaa lagu sheegay, in beeshu si buuxda u taageersan tahay jiritaanka qaranimada Somaliland iyo xukuumada Somaliland, Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhamaan dadweynaha JSL ilaalinta nabadgelyada lagu tabcay, beeshu waxay bixinaysaa dhamaan waxii dadku hore ugu lahaa iyo waxii dambeba, inay nabad kual noolaato beelaha deriska iyo kuwa kale, maadama beeshu door muhiim ah ku dhexleedahay bulshada Somaliland , waxay diyaar u tahay inay kaalinteeda weligeed buuxiso,  beeshu waxay u mahadcelinaysaa xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo waxqabadka ay sameeyeen, diyaarna u tahay inay kaalinteeda ka qaadato waxqabadkaa, waxa la aasaasay guddiga beesha Adan Madoobe u talin doonta oo ka kooban 16 xubnood.

Dr. Cabdilaahi Sh. Maxamed (Walaaleye) oo xidhitaankii ka hadlay ayaa sheegay inay go’aamo iyo waxqabad beelaha kale kaga daydeen iyo qaar cusub ku gaadheen, waxaanu yidhi,

“Shirkan waxaan ku guulaysanay inaan xeer-hoosaadka beesha waafajiyo diinta islaamka Ilaahay mahadii, qaarna waan ku guulaysanay, qaarna way noo hadheen annagoo hiigsanayna beelo naga horeeyey, qaarna horseed ugu noqo annagu,”

Aqoonyahan Faarax Yyusuf Nuur (Faarax-xadhigle) oo halkaa ka hadlaya ayaa sheegay inay si weyn u soo dhoweynayaan dhamaan martisharafta kala soo qeybgashay shirka, ugana mahadcelinayaan.

Amaal Cali Maxamed Maxamuud (Cali-digirin) oo ku hadlaysay afka qurba-jooga shirka ka soo qeybgashay ayaa ku baaqday in laga qeybqaato horumarka deegaamada beesha waxaanay tidhi,

“Waxaan leeyahay qurba-joogta deegaamada beesha u dhalatay, waa run dhulka Ilaahay baa wada leh, laakiin dadku inba meel ayey ku beeran tahee, u soo dedaala, dhinaciina qabta, dawladu keligeed waxba ka qaban karto.”

Xidhitaankii shirka beesha Adan Maxamed (Adan Madoobe) oo xubno ka tirsan madaxda gobolka Togdheer, degmada Burco iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ka hadleen ayaa dhamaantood bogaadiyey go’aamada ka soo baxay shirka, isla markaana ballanqaaday inay garab-istaagi doonaan horumarka beeshu gaadhsiin doonto deegaamadooda.