Beelaha Guulane Iyo Sheekh Cismaan Oo Baaq Ka Soo Saaray Shir Ay Baligubadle Ku Qabsadeen

0
787

1Hargeysa(Geeska)-Beelaha Reer Sheekh Cismaan iyo Guulane Cabdalle oo ka tirsan Beelaha Arab, ayaa jimcihii shir balaadhan ku qabsaday magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.untitleduntitled

Shirkaas, oo ay ka qayb galeen ergo badan oo ka kala timid deegaano kala duwan, waxa laga soo saaray baaq ka kooban shan qodob, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray uu u qornaa sidan “Shirka Waxa kasoo Qayb galay Shirkan Dhamaan Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada  Reerka Sida Odayaasha, Dhalinyarada , Haweenka , Qurba jooga Beesha, iyo Madax Dhaqameedka Beesha.

Beelahan Reer Sheekh Cismaan Iyo Guulane Cabdale oo Dan Wadaag ahaa in ku Dhaw Hal Qarni.

 Shirwaynaha Reerahan ayaa ka dhacay Magalada Baligubadle Xili Bil kadib laga bilaabi doono Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Guud ahaan Gobolka Hawd, Shirkan oo lagag hadlayay Sidii loogu Diyaar garoobi lahaa Ka qayb galka Diiwaangalinta iyo Sidii loo bilaabi lahaa wacyi galinta Bulshada Deegaanka iyadoo ay Gud ahaanba Wadanka ka jirto Abaar aad u ba,an oo saamaysay baadkii Iyo Biyiihiiba , Dadka iyo Duunyaba.
Bilowgiiba  waxa halkaa kahadlay Qaar kamida Ergooyinka Shirka Kasoo Qaybgalay Oo kawarbixiyay Xaalada Abaareed Ee Deegaankii ay ka yimaadeen iyadoo ergeeyinka qaarkood kayimaadeen deegaanada xadka ka sareeya.

Dhamaantoodna waxa ay ka warbixiyeen xaalada abaareed ee deeganada ku gadaaman iyo sida ay dadkii u hayaameen iyadoo duunyadiina si xooga uga baxday .

Ugu Horayn Waxa halkaas ha kahadlay  Shir Gudoonkii oo baayamiyay in Shirku yahay shir reereed oo lagag hadlayo Danaha Reerka iyo Baahiyahooda iyadoo Marnaba aanu shirku daarnayn Arimo Siyaasadeed. Ajenaha Shirku waxa kow ka ahayd Arimaha DIIWAAN GALINTA COD BIXIYAASHA

 Waxa Madasha ka hadlay Ibraahim Muuse Raage oo soo dhaweeyay Shirka Bogaadiyayna intii shirka ku baaqday iyo inta kasoo qayb gashay Shirkaba

Waxa uu fariin u diray intii Shirka aan kasoo qayb galin waxanu usoo jeediyay dhamaan bulshada reer sheikh cismaan iyo Guulane  cabdale in ay shirka taageeraan intaa kadib waxa shirka kahadlay Dhamaan Odayaashii iyo dhalinyaradii Haweenkii Qurba joogii Beesha oo dhamaantoo is ku raacay in si Mug leh  looga qaybgalo diiwaan galinta cod bixiyaasha iyo wacyi galinta diiwaan galinta oo kasii horaysa

Ugu Danbayn Wax Shirka lagaga Dhwaaqay Gudi Farsamo oo Ka Hawl Gali doonta wacyi Galinta Diiwaangalinta Cod bixiyaasha . waxa Kale oo lagu Dhawaaqay Qaadhaan Gudo iyo Dibadba leh oo lagag Qayb galayo Taakulaynta dadka Abaaruhu Waxyeeleeyeen. Iyo Mid lagu Gali Doono Wacyi galinta Diiwaangalinta.
 Gabgabadii waxa kasoo Baxay Qodobo Muhiim ah oo Shirwaynuhu Isku raacay :

1. Waxa aanu usoo Jeedinaynaa Dawlada Iyo Gudida Abaaraha in Cida kaliya Ee Ay wax u Marin karaan Gobolka ay noqoto Cida iyaga Matasha ee Dhex Joogta Oo ah maamulka Heer Gobol Iyo Heer Dagmo, wax kasta oo Lasiinayo Gobolka Oo Lamariyo Cid aan ahayn Maamulka Gobolka Waxaanu u aragnaa Jaa,izad Cidaa Si gaara loo Siiyay Ee aanay ahayn Waxtar Gobolaka Lataray.

2. Baaq loo diray Gudida Abaaraha Oo Loogu baaqay in ay Si isku mid ah uga hawl galaan taakulaynta dadka Abaaruhu haystaan.

3. Waxa loogu Baaqayaa Qurba joogata , ganacsatada iyo Bulsha waynta Beelaha Reer Sheekh Cismaan iyo Guulane In ay si mug iyo Miisaan leh uga qayb qaataan Taakulaynta dadka Tabaalaysan. Waxa Shirwaynuhu Mahad iyo Bogaadin U Diriyaa Gacacsade Aadan Cabdilaahi Xassan Cagbilaawe Oo Gobolka ugu Deeqay 30 Booyadood oo Biyo Ah kana qayb qaatay Biyo Dhaamiska Gobolka Kasocda iyo Guud ahaan Horumarka Gobolka uu ka wado.

4. Shirwaynuhu Waxa uu kala Midaysanyay Dadwaynaha Deegaanka Cadhada iyo Cambaaraynta ay usoo jeediyeen wasaarada Maaliyada Sida Gacanbidixaynta leh ee  Gobolka Ula dhaqmayso. Waxa Shirwaynuhu usoo jeedinaynaa marlabaad Wasarada Maaliyada in ay Tix galiso Codsiyada iyo Cabashada Dadwaynaha Deegaanka. 

5. Waxa aanu usoo jeedinaynaa Gudida Doorashooyinka NEC in ay ugu talagalaan Goobo diiwaangalineed Dadka kasoo noqonaya Hayaanka Ee kusoo Gurya Noqonayaa Gobolka Marka Diiwaangalintu Kabilaamayso Gobolka Maroodi Jeex Iyo Degmada Salaxley.”