Shirkadda Mustaqbal Express Oo Tababar 10 Maalmood Ah U Qabatay Shaqaalahooda Dalalka Geeska Afrika

0
738

Hargeysa(Geeska)-Shirkada Mustaqbal Express Ayaa khamisitii  Magaalada Hargeysa Waxay Ku Soo Gabagabeeyen  Tababar Mudo 10 Maalmood ah u soconaya Shaqaalahooda Ka Hawglaga Somaliland, Puntland Iyo Itoobiya.

xxxxxxxx
Waxa Tababarkan uu La Xidhidha Sidii Ay ula Jaanqaadi Lahayeen Mid Ka mid ah Technology-yada Casriga ah ee Dunidu u Talaabsanayso.
Waxa Kulankan Kasoo Qayb Galay Masuuliyiinta Shirkada oo ay Kamid Ahaayeen Maamulaha Shirkada ee Qaarada Afrika, Maamulayaasha Xarumaha Somaliland, Puntland, Itoobiya, Shaqaalaha Xaawalada Ee Laamahaasi, Qaar Kamida Macaamiisha Waawayn Ee Shirkada, Ingineero, Iyo Masuuliyiin Kale.
Ugu Horayntii Waxa Halkaasi Ka Hadlay Cali Muxumed Caabi oo ka  mid ah masuuliyiinta shirkada waxaanu warbixiyey siminaarka iyo wixii uu daaranyahay sidoo kale Injineerka Nidaamkan Casriga ah u Diyaariyay Xawaalada Mustaqbal Express Eng Rooble Abshir Isagoo Ku Dheeraday Faaiidooyinka Nidaamkan Casriga ah  uu u Yeelan Doono Shirkada Iyo Macaamiisha Iyadoo uu Sheegay In Baahi Badan Lagaga Bixi Doono.

Waxaana Dhankooda Soo Dhaweeya Qaar Ka Mida Macaamiisa Waawayn Ee Xafladan Kasoo Qayb Galay Oo Sheegay Inay Baahi Wayn  Qabeen.
Waxa Kale Oo Kahadlay Masuuliyiinta Kala ah Ikhyaar Mohamed Ali Masuulka Africa Ee Shirkada, Ahmed Yasiin Jamac Hargiasa, Abdirahman Haaji Xadhigle Puntland, Iyo Ahmed Muuse Xarunta Itoobiya Iyagoo Sheegay Inay Marwalba Hadafkoodu Yahay Sidii Ay Ugu Dadaali Lahayee Raali Gelinta Macaamiishooda Shaqaalahana Kula Dardaarmay Inay Sidoo Horeba Looga Bartay Ay Amaanada u Ilaaliyaan.
Gabagadii Waxa Kalamado Mahadnaqa Halkaasi Kasoo Jeediyay Shaqaalahii Kala Duwanaa Ee Tabarbarkan Qaadanayay Iyagoo Sheegay Inay Aqoon Muhiima Ka Faaiideysteen Mudadii ay Tababarka Qaadanayeen.