Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddiga Ka Hor-Tagga Coronavirus Iyo Ingiriiska Oo Somalilnd Ku Daray Dalalka Aan Xanuunkan Lagu Arag

0
653

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Magacaabay Guddi Qaran oo u xil-saaran ka hor-tagga Caabuqa Dunida aadka ugu faafaya ee Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa guddiga Qaran ee ka hor-tagga Coronavirus u Magacaabay Shan Wasiir oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Wareegtada Madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornayd sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                           Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta                                          Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaadnay tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19). Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.”

Wareegtada Madaxweynaha Somaliland ayaa soo baxday Shalay, xilli Dawladda boqortooyada Ingiriiskuna  sheegtay inaan Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto lagu arkin Cid qabta Caabuqa Coronavirus.

Wasaaradda Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Masuuliyiinta Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland ay Goobaha Kaantaroollada ama Dalka laga galo laga sameeyo Xarumo Dadka lagu hubiyo iyo meelo lagu karaniilo Cidda looga shakiyo inay qabto Coronavirus.

Geesta kale, Dawladda Imaaraadka Carabta si ku meel-gaadh ah u joojisay bixinta Fiisaha Dalkeeda lagu galo, marka laga reebo Dadka sita Baasaaboorka dublamaasiga.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Tallaabadan u qaadday Cabsi ay ka qabto Caabuqa Coronavirus.

Sidoo kale, Imaaraadku wuxuu joojiyey duulimaadyadii kaga imanayey Dalalka Lubnaan, Suuriya, Ciraaq iyo Turkiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here