Madaxweyne Geele Oo Rajo Wanaagsan Ka Muujiyay Dib Bilaabista Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya

0
710

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya dhawaan dib u furmi doonaan.

Madaxweyne Geele, oo u waramay laanta Afka Soomaliga ee VOA, wuxuu sheegay inuu ku rajo weynayahay in wada hadaladaasi dhawaan dib u bilaabmi doonaan.

Mar la weydiiyay xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Anaga xagayaga rajadu way badan tahay waxaa na dhex jooga  Raysalwasaaraha itoobiya, wada hadalladana dhawaan inan dib u ambo qaadno laakiin imika wax imika iska hor imaad ah cabasho aan leenahay ama aan doonayno inaanu muujinaa majirto. Wada hadalkana waan ku rajo weynahay dharaar aan dheerayn inaan soo saarno dhankii toosnaa inaan u dhaqaaqno”

Isagoo ka hadlaya iskaashiga dalalka gobalka wuxuu Madaxweyne Geele yidhi  “Haddii dee anaga lanaga maarmayo waxba kama qabno laakiin iskaashiga ama is dhexgalka ama wax wada qabsiga waxa asaas u ah dhaqaalaha, waxaan dee anagu ku horraynaa dhaqaalahaasi anaga oo garanayna inaan dadka isku socodkooda uu gadhwadeen u yahay dhaqaalaha. Dhaqaalaha inaan ka bilawno horumarin badan ayaanu ku samaynay waanaga tareen samaynay waanaga maarsooyinkii ballaadhinay waanaga igaad dib u xarakaynay taas badda aad sheegayso mid wayn oo uu markaynku wado ayaa jirta iyo sucuudiga iyo waddamada khaliijka, kaana waan ku dhex jirnaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here