Shilinka Somaliland: Lacag Suuqeedii Cumlado Qalaad iyo Cilmiyo Jaan ka Caydhiyeen

0
586

shilingToddoba iyo toban sano kadib markii uu bangiga dhexe ee Somaliland si rasmi ah u joojiyey isticmaalka lacagtii dawladdii hore ee shilin Soomaaliga, lana shaaciyey in baayacmushtarka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalku uu ku dhisnaan doono lacagta jamhuuriyadda cusub oo ah shilinka Somaliland. Laakiin tan iyo dhalashadsii shilinka Somaliland waxaa suuqiisa ka qabsaday cumlado shisheeye iyo adeegyo mar kasta luggooyo ku ahaa hirgelintiisa. Waxaa suuqyada ku cidhiidhyey lacag iyo adeegyo qalaad, bilowgiiba waxaa dagaal adag ku qaaday Doolarka Maraykanak oo kalsooni fiican ka kasbaday ganacsatada oo ku qanacday in uu yahay hab ay kaga badbaadi karaan khasaare ku dhaca, sabbaynta qiimaha shilinka Somaliland iyo sicir bararka raacay awgeed.

Waxaa la ogaa in dhalashadii shilinka Somaliland la bilaabatay baxaa degga qiimaha sarrifka lacagta adag iyo maciishadda ku yimi, taas oo xataa dadkii iyagu wax iibsanayey si uun ugu qancisay in ay aqbalaan is bed-beddelka ascaarta oo xataa iyada oo shilin Somaliland lagu kala iibsanayo haddana mar kasta qiimaheeda lagu jaan goynayey doolarka. Lacagta Birta Itoobiya, Faranka Jabuuti iyo Shilinka Soomaaliya oo aad uga shaqeeya suuqyada deegaannada ku teedan xuduudaha kala duwan ee dalka ayaa iyaduna noqotay hagar daamo kale oo haleesha Shilinka Somaliland ee marka horeba tib cawska ku taagnaa.

Waxaa mar dambe isna shilinka Somaliland cadowgaa hore u raacay adeegga ay shirkadaha isgaadhsiintu bixiyaan ee loo yaqaanno Mobile lacag isugu gudbinta (Mobile Money Transfer. MMS) kaas oo jilbaha u sii laabay shilinka Somaliland ee aan marka horeba cuskanayn tiirka adag. Adeeg tiknoolajiyadeed oo noocan ah bilowgeedu waxa uu u baahnaa in shirkaduhu ay si cilmiyeysan u daraaseeyaan, talana weydiiyaan dhaqaale yahanno ka baaraan degga dhibtiisa iyo dheefta uu keenayo tan badan, waxaa iyaduna waajib ahayd in bangiga iyo hay’adaha kale ee dawladda ka mid ah ee ay khusaysaa ka hor fasaxa hab-macaamilkan ay sameeysaan baadhitaan ay ku hubinayso faa’idada ku jirta adeeggan.

Waxaa iska cad in ay adeeggan shirkaduhu u bilaabeen si laab la kac ah oo aan ku dhisnayn baadhitaan dhaqaale oo cilmiyeysan iyo ruux wadaniya oo u damqanaysa dadka iyo dalkaba. Xikmadda ugu badan ee adeeggan kalliftayna ay u muuqataa in ay ahayd dhoolla tus shirkad kastaa ku muujinayso cududdeeda tiknoolajiyadeed, cidiba isma weydiin dhibta ka dhalan karta adeeggan iyo khasaaraha uu u geysan karo dhaqaalaha.

Qoraalkeenani kama hadlayo khataraha kala duwan ee dhan walba kaga xeeran adeeggan, balse waxa aynu ku koobnaanaynaa in adeeggani uu suuqa ka saaray isticmaalkii Shilinka Somaliland. Adeeggan oo doolar ku salaysani waxa uu sababay in shayga ugu hooseeya ee shilin Somaliland lagu siiyo 500 oo shilin iyo kan ugu qiimaha sarreeya lagu kala iibsado doolar, iyo in badeecadda meheradda taallaa ay noqoto mid qiimaheedu ku wada dhisan yahay doolar. Waxaa durba muuqatay in isticmaalkii shilinku yaraaday oo ay lacagtii si dhaqso ah ugu soo xaroonayso bangiga dhexe ama ay iskaga kaydsanaato.

Adeeggan oo ay dadka badankoodu u xisheen in uu ka furanayo lacagtii badnayd ee ay jeebka ku qaadan lahaayeen iyo in ay si sahlan lacag isu dhaafsan karaan iyaga oo aan khidmad bixin waxa uu garab iyo gaashaan u noqday cadowgii koowaad ee suuqyada dalka u fadhiyey Shilinka Somaliland, waxa aanay noqotay in lacagta la isticmaalayo ama lambarrada malo awaalka ah ee mobile ka la isku dhaafsanayo labadooduba noqdaan Doolar.

In kasta oo laga yaabo in khubarada dhaqaaluhu ku doodaan in arrinta muhiimka ah ee aanan weli sheegin tahay wax soo saarka dalka oo aad u yar, waayo dhaqaale ahaan waxaa la aaminsan yahay in dalku waxa uu dibadda u dhoofiyaa uu daalac naasilo waxa uu soo dejisto, iyo in dalka ay soo gasho lacag adag oo sabab u noqota in qiimaha lacagta dalkaasi deggenaado, kalsoonina ka helo ganacsatada. Sida aynu og nahayna waxa dalka lagu isticmaalo qiyaas ahaan boqolkiiba inta badan waxaa laga soo waaridaa dibadda, haddii ay cunto tahay iyo dhammaan agabyada kala duwan, taasna uu macnaheedu yahay in dalka mar kasta looga baahan yahay lacag adag oo dibadda uga baxda, halka dhoofka keliya ee dalka ganacsi ahaan uga baxaa uu ka yahay xoolaha nool oo dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyey dhoofkoodu marna xidhnaa marna aad u liitay, marka la barbar dhigo waxa la soo waaridayo. Waxaan isaguna jirin maalgashi ajaanib ah, arrimahaas oo is biirsaday oo dabcan aqoonsi la’aantuna sii xoojisay waxa ay daciifiyeen awooddii Shilinka Somaliland oo waayey xukuumad in uun dhiig joojin u samaysa oo dhiirrigelisa dhoofka wax-soo-saarka dalka, sida xoolaha, udugga (Fooxa iyo beeyada) iyo dhagax macdaneedka oo dhammaantood ah kuwa ugu dhow ee dhaqso loo dhoofin karo.

Dawlad kasta oo dunida ka jirtaa iyada ayaa daba taagan socodsiinta dhidibbo u dhisidda lacagteeda iyo weliba in ay u adoomiso lacagaha kale ee ka awood badani haddii ay suuqa la soo galaan. Marka laga yimaaddo waajibka ah in marka hore khubaro dhaqaale oo wadanku leeyahay ay dejiyaan qiimaha cumladda, sarrifka ay lacagaha kale ku beddelayso iyo tirada ay isu raacayso, waxa ay dawladdu leedahay socodsiinta sharciyeed iyo in ay ka hortagto caqabad kasta oo saqiirin karta, sida in lacagta oo been abuur ah la farsamaysto ama in lacago qalaad oo kale suuqa ku cidhiidhyaan, oo aan ahayn in ay ka saaraanba suuqa sida ay hadda ku socoto, waayo taasi iyadu waa masiibo qaran.

Bangiga dhexeee Somaliland waxaa la gudboon in uu awoodihiisa sharci adeegsado si aqoon iyo garasho dhaqaale ku dhisanna u sameeyo daraasaad la xidhiidha arrimaha aynu soo xusnay, si uu tallaabo sharci ah oo cid walba u dan ah uga qaato cumladaha qalaad iyo adeegyada jaan ee shilinka suuqa ka soo caydhiyey.

In dawladdu ay siyaasad cad ka lahaato arrimaha dhaqaalaha, iyo hababka wax look ala iibsanayo, kana hortagto wax kasta oo curyaaminaya shilinka, taas macnaheedu ma’aha in adeegyadan oodda loo rogo, balse waa in laga fikiro hab aan dhaqaalaha dalka dhibayn oo looga faa’idaysan karo, tusaale ahaan in la xaddido lacagta MMS la isku dhaafsanayo ama ta ugu fiican oo ah in shirkadaha lagu qasbo in lacagta Mobile ka la isku dhaafsanayaa ay noqoto shilinka Somaliland. Ugu dambayntii arrintani waxa ay u baahan tahay in intan ka badan laga baaraan dego haddiiba dhibtani ay tahay mid jirtana xalkeedii la isla meel dhigo.