Wargeyska Guardian Oo Wax Ka Qoray Carwada Buugaagta Hargeysa

0
793

fairHargeysa(Geeska/Guardian)- "Wadan laguma noqdo dhisitaanka ciidan iyo booliis, waxaad u baahan tahay fanka… dhinaca buugaagta waxaad ku bedeli kartaa fikirka dadka. Waxaad u baahan tahay dhaqanka nabada iyo  tixgelinta. Bandhiga carwada buugaagtani waxay abuuraysaa goob dhalinyaradeena ku kulmaan iskuna bartaan midba ka kale,” sidaa waxa sheegtay Ayaan Maxamuud, la-qabanqaabiyaha carwada buugaagta.

Qoraal dheer, oo weriye Mark Tran, oo ka tirsan wargeyska Guardian oo booqasho ku jooga Hargeysa, ka diyaariyey carwada buugaagta ka socota Hargeysa, ayaa lagu bilaabay: “Waa goob suugaaneed, ka socota magaalo dadkeeda lagu qiyaaso milyan badhkii oon wax tiyaatar iyo cinimoo lahayn. Laakiin, Hargeysa waxay ku socotaa gaadhitaanka jawaabtii Geeska Afrika, iyadoo soo jiidanaysa akhristayaasha iyo qoraaga aduunka daafahiisa, carwadan ka socota.

Xaqiijinta in dhaqankii soomaalida ee odhaahdu waa hadafyada ka danbeeya carwadan buugaagta ee Hargeysa, siduu qabo Jama Muus eJaamac, oo ku nool magaalada Pisa, ee Talyaaniga.

Xafladan, oo shan jirsatay, ayaan keliya u dabaaldegayn suugaanta, laakiin, maxfal, aflaam, iyo sidoo kale soo bandhigida badeecadaha gudaha Somaliland, sida khudradaha iyo weliba noocooda Coca-Cola.

Ded laga dhisay xarunta hay’ada shaqaalaha ayey ka buuxeen mudawiciin da’ yar oo xidhan koofiyado, oo miisaska dabadooda ku iibinaya buugaag hore loo qoray iyo kuwo cusub oo qabanqaabiyeyaashu soo saareen.

Miis aan ka fogeyn daaradaa, gabadh ayaa ku iibinaysa xabxab weyn, liin macaan, iyo weliba sharaabka cabitaanka oo dalad cas hoostooda yaal. Sidoo kale ciidamo amaan ayaad arkaysaa, inkastoo magaaladani ka mid tahay kuwa ugu amaansan geeska Afrika, masaafo gaadhaysa milyan km u jirto Muqdisho, xukuumadu fursad keliya inay bixiyaan way ka digtoonaadeen.

Jama waxuu ka tegay Somaliland sannadkii  1986, waxuu soo laabtay 1991, markii Somaliland xornimadeeda la soo noqotay, waxuu u bilaabay carwadan inaan dhaqankii Somaliland aanu lumin, "Macquul maaha inaan magaaladani tiyaatar iyo cinimoo lahayn, ma jiro wax dhalinyaradu qabtaan,” ayuu sheegay.

Somaliland oo ugu yaraan saddex milyan oo qof ku nool yihiin, ay ugu yaraan boqolkiiba todobaatan ka hooseeyaan da’da soddon jirka, ayuu Jamaac doonayaa in dhaqank u noqdo bediil ay cunitaanka jaadka, ama ka xun, u dhawaaqidooda Shabaab.

Ayan Maxamuud, oo la-qabanqaabisay carwadan, isla markaana ka qabanqaabisa bisha Oktoobar sannad walba, ayaa ka hadashay muhiimada fanka iyo dhaqanku u leedahay dhismaha qaranka. "Wadan laguma noqdo dhisitaanka ciidan iyo booliis, waxaad u baahan tahay fanka… dhinaca buugaagta waxaad ku bedeli kartaa fikirka dadka. Waxaad u baahan tahay dhaqanka nabada iyo  tixgelinta. Bandhiga carwada buugaagtani waxay abuuraysaa goob dhalinyaradeena ku kulmaan iskuna bartaan midba ka kale,”  ayey tidhi Ayaan. 

Xaflada sannadkan waxa ka soo qeybgalay Georgi Kapchits, qoraa dhalashadiisu tahay Ruush, oo ka shaqeyn jiray idaacada Moosko, qarniyo ka dib,  Kapchits, oo 72 jir ah ayaa soo bandhigay buugiis acusub ee “Soomaalidu been ma maahmaahdo”, maahmaahyada ku qoran ayaa badi dhegeystayaashiisu muddo adeegsanayeen. "Wadan laguma noqdo dhisitaanka ciidan iyo booliis, waxaad u baahan tahay fanka… dhinaca buugaagta waxaad ku bedeli kartaa fikirka dadka. Waxaad u baahan tahay dhaqanka nabada iyo  tixgelinta. Bandhiga carwada buugaagtani waxay abuuraysaa goob dhalinyaradeena ku kulmaan iskuna bartaan midba ka kale,” sidaa waxa sheegtay Ayaan Maxamuud, la-qabanqaabiyaha carwada buugaagta. "Waxaan doonayaa inaan ururinta maahmaahyadan ku xaqiijiyo inaan dhaqankii odhaahdu aanu sal guurin," ayuu yidhi.

Raxma Xassan Tubec, 20 jir, ah ardayad caafimaadka barata, xubina ka ah golaha akhriska, ayaa u timi carwadan aragtida Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), una aragto gabyaaga ugu wanaagsan ee Somaliland nool, iyadoo sheegtay inuu ku hanbalyeeyey gabay af carabi oo ay tirisay, kuna booriyey inay af soomaali ku qorto. "Yaraantii waxaan ku fekeri jiray inaan dhakhtarad noqdo, xilligan, markaan firaaqo helo, waxaan qoraa gabay,” ayey tidhi Raxma, oo raacisay, inay sannadkan bilowday qoritaanka gabayo soomaali ah, maadama Hadraawi ku dhiirigeliyey.