Shil Jacayl Ka Dhashay: Dhowr Sano Oo Uu Maagane Ahaa Kadib, Waxa Uu Si Kedis Ah U Guursaday Gabadh Wadatay Gaadhi Duqeeyey: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

1
648

 

jaay liyo shilQatar (Googooska Geeska)- Shil baabuur oo ka dhacay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar ayaa halkii naxdin iyo muran sharciyeed laga filayey waxa uu mar keliya isu beddeshay madal jacayl iyo farxadeed. Wiil dhalinyaro ah oo watay baabuur ay xagga dambe ka duqaysay gabadh iyaduna geddiisa ah ayaa isla goobtii ku calmaday gabadha gaadhigiisa duqaysay, oo uu aragtidii koowaadba caashaq uu u qaaday.

 

Sida uu ku warramay wargeyska A-Sharq oo ka soo baxa dalka Sucuudigu  shilkani waxa uu ka dhacay jid weyn oo dhex mara magaalada Dooxa, labada ruux ee labada gaadhi kala watayna mid kasta oo ka mid ahi waxa uu ku mashquulsanaa talefankiisa gacanta oo uu ku hadlayey. Mar keliya ayuu wiilka oo gaadhigiisu horreeyey ku war helay gaadhiga xagga dambe kaga dhacay, haddii uu soo degeyna waxa ay gabadhii ku dooday in uu isagu qaladka lahaa oo uu si kedis ah u dhimay xawaarihii uu ku socday. Cabbaar markii ay wiilkii iyo gabadhii isku tuur-tuurayeen cidda leh masuuliyadda shilkan waxa ay isla tageen rug booliis oo aan ka fogeyn. Laakiin waxaa yaab noqotay markii uu booliisku weydiiyey kooda qaldan in uu wiilkii si dhaqso ah u sheegay in uu isagu qaladka lahaa sidaa awgeedna uu qaadanaya masuuliyadda shilka oo dhan.

Ninka dhalinyarada ahaa ee gaadhiga watay oo u warramay warbaahinta qaar ayaa sheegay in aragtidii ay inantani ka qabtay ninkani mar keliya is beddeshay markii uu qaatay qaladka, aad ayaanay ugaga mahadnaqday sida geesinimada leh ee uu qaladkiisa u qaatay.

Iyaga oo heshiis ah ayaa ay ka soo baxeen rugtii booliiska laakiin sheeko iyo isbarasho hor leh ayaa ay markiiba bilaabeen, waxaana wiilka markiiba saaqay caashaqa gabadhan oo iyaduna markii uu isla goobta guur kaga dalbaday soo dhwoeysay. Maalintii labaad ee shilka ayuu qoyskeeda ka doonay halka uu isla maalintii saddexaadna guurkooda rasmiga ahi ka dhacay.

Wiilkan ayaa sheegay in muddo sannado ah uu ahaa guur meer ahaa, laakiin uu si kedis ah u arkay in gabadhan gaadhiga ka duqaysay ay leedahay dhammaan tilmaamihii uu jeclaan lahaa in ay yeelato gabadha uu oori ka dhiganayaa, gaar ahaan markii uu dabeecadaheeda iyo hab-dhaqankeeda ka dhex akhristay qaabkii ay ula macaamishay intii ay ku gudo jireen doodad shilkan.

Comments are closed.