Obama Oo Ka Badbaaday In Ninka La Tartamayaa Uu Mar Labaad Dhinaciisa Dhulka Dhigo

0
684

 

odayNew York (Geeska) Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama  iyo musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney ayaa doodii labaad habeen hore ku kulmay, ka hor doorashada bisha soo socota ka dhaceysa dalkaas.

Dooda oo ka dhacday Gobolka New York, ayaa waxa su’aallo lagu weydiiyay labada musharrax, waxana su’aallo weydiinaayay 80-cod bixiyaal kuwaasoo wali aan  go’aansan cida ay codka siinayaan doorashada bisha November dhaceysa.

Dooda oo ay dhex-dhexaadineysay gabadh wariye ayaa inta badan dadkii daawaday waxa ay ku tilmaameen in uu dooda uu ku adkaaday madaxweyne Obama, waxaanay kala helaan 46 dhibcood oo uu Obama helay iyo 39 dhibcood oo uu Mitt Romney helay.

Doodan oo ka mid ah lix doodood, taasoo hor dhac u ah doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa inta badan lagu qiimeeyaa musharraxa ku guuleesan kara doorashadda, ayaa tii hore, waxa la isku raacay in uu ku adkaaday xisbiga Jamhuuriga ee Mitt Romney.

Labada musharrax ayaa wax badan laga weydiiyay arrimaha Canshuuraha, Dhaqaallaha, Shaqada Tamarta  iyo Ceymiska. Waxana la arkaayay dooda oo mararka qaar uu madaxweyne Obama soo dhex-galayo. Madaxweyne Obama ayaa sheegay in markii uu la wareegayay xafiiska sannadkii 2009-kii dhaqaalaha uu aad u liitay.  Laakiin  Romney ayaa sheegay in uu doonayo Maraykanka in uu ka dhigo meesha ugu soo jiidashada badan adduunka.

Wuxu ydhri dhaqaalaha Maraykanka si weyn ayaan u hormarin doonaa, oo lagama yaabo in aan ka hoos marno wadanka Shiinaha.

Waa wax laga weydiiyay hadal ay sheegtay xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton’ taasoo sheegtay dilkii ka dhacay  Benghazi ee loo geystay safiirkii Mareykanka u fadhiyay Libya in uu ahaa mid si cabsi ah u dhacay, isla markaana ay cambaareyneso.

Obama ayaa sheegay  xoghaye Clinton si dhaw ayaan u wada shaqeenaa, marka qofkasta ayaa ka xumaaday, mana aha siyaasad lagu taageerayo Romney, marka waa in uu sidaas ogaado Mitt Romney.

Gabadha dooda waday ayaa weydiisay Romney qaranka Maraykanka waxa ay si weyn u aaminsan yihiin isaga iyo George W. Bush in uu farqi sidaas ah aanu u dhexeynin, marka dadka Maraykanka waxay dhibaatada ugu weyn ee soo wajahda Maraykanka xilligii Bush, maxaa uga jawaabeysaa?. Romney ayaa yidhi qof walba oo ku nool Maraykanka in uu aaminsanaa dhaqaalaha dalka in uu hooseeyo, marka in Obama uu waxbadan ka badlay dhaqaalaha waa mid uu diidan yahay, waxaanu intaas raaciyay “siyaasadda Tamarta waxanba doorbidi laa tii madaxweynihii hore  ee Bush.”

Romney ayaa sii raaciyay “maamulka Obama waqti badan ayay sheegeyn inay dagaallo la galeyn argagixisada, laakin waxa ay kala kulmeen dibad-bax iyo cadho balaadhan.”