Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Kulan La Yeeshay Labadii Xubnood Ee Iska Casilay Qaban-qaabada Shirka KULMIYE Iyo Shirguddoonka Golaha Wakiilada

0
620

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay kulan la yeeshay labadii xubnood ee ka tirsanaa hoggaanka KULMIYE ee iska casilay qaban qaabada shirka KULMIYE xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ay weheliyeen labada guddoomiye xigeen ee Baarlamaanka Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed.

Kulanka oo aanay wax war ahi ka soo bixin, ayaa waxa ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen in Madaxweyne Siilaanyo ku dhegaystay sababaha keenay inay labada xubnood ee hoggaanka KULMIYE ka tirsani iska casilaan hawshii qaban qaabada qabsoomida shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee qorshaysan 10 November, waxaanay labada xubnood Madaxweyne Siilaanyo u tiriyeen sababaha ku kelifay inay iska casilaan shaqadii uu hore ugu xilsaaray iyagoo ku dooday in xubnihii kale ee ay ugu tageen xarunta KULMIYE ay afduubeen hawshii.

Ugu dambayn waxa la sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo ka codsadeen inuu ka shaqeeyo inaanu xisbigu waajihin xaalad adag.

Kulanka oo ahaa mid uu Madaxweyne Siilaanyo dalbaday qabsoomidiisa, ayaa sida ay ilahan xogogaalka ahi u sheegeen Geeska Afrika, waxa iyaguna ka hadlay Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo xubnahan la qaba qawadka ay muujiyeen.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maantana qaabilo garabka kale oo ah guddoomiye-xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ay suurtogal tahay inuu kulanka ku weheliyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka xalay waxa madaxweyne Siilaanyo ku weheliyay wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo uu Madaxweynuhu hore ugu xilsaaray inuu noqdo wakiil dhexdhexaadiya labada dhinac. waxa kale oo madaxweynaha kulanka ku weheliyay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi.