Xuska Maalintii La Dilgay John Kenedigii Maraykanka

0
569

indexDalka Maraykanka ayaa shalay xusay sanadguuradii kasoo wareergtay dilkii Madaxweynihii John F Kenneday oo 1963dii lagu dilay magaalada Dallas ee gobalka Texas.

John F Kennedy oo ahaa Madaxweynihii 35aad ee Maraykanka, ahaana Madaxweynihii ugu da’a yaraa ee soo maray dalkaasi, ayaa dilkiisa kamid ah dhacdooyinkii Maraykanka ee weli lagu wareersan yahay cida ka danbeysay, waxaana lagu wadaa in sanadka 2017 markii ugu horeysay la shaaciyo qoraalo sir ah oo ay sirdoonka Maraykanka kauaruuriyeen dilkaasi.

John F Kennedy ayaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykanka ee xuquuq dheeraad ah siiyey dadka Madowga ah ee lagu cunsuriyeen jiray wadanka Maraykanka.

Barack Obama oo ah Madaxweynihii ugu horeeyey oo Madow ee Maraykanka soo mara ayaa sheegay in si weyn sanadkan loo xusi doono sanadguurada Madaxweynahaasi la dilay.

John F Kennedy ayaa ahaa Madaxweynihii Maraykanka ee ugu horeeyey ee bilaabay xiriirka ka dhaxeeyey dowladihii Soomaaliya iyo Maraykanka, xiligaasi oo ay Soomaaliya xoriyadeeda qaadatay, waxaana lagu xasuustaa casumaadii Kennedy u fidiyey Raysalwasaarihii ugu horeeyey Soomaaliya AUN Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kulankaasi oo bilow u ahaa xiriirka labada dowladooda.

Wakhtigaasi ayey labada hogaamiye isku af fahmi waayeen dhanka siyaasada dhismaha Militariga Soomaaliya, waxaana xiligaasi John F Kennedy talo ku siiyey Soomaaliya inaysan yeelan Ciidamo Militari oo xoogan, balse Xooga Saarto Booliiska. Arrintan ayaa ah fikir ay la qabeen xulafada Maraykanka ee Ingiriiska iyo Talyaaniga.

John F Kennedy ayaa la dilay 22kii November 1963 magaalada Dallas, halka Allaha u Naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarke la dilay 15 October 1969 magaalada Laas Caanood.

Dilka labadan hogaamiye oo lagu beegay xili ay Safrayeen ayaa la sheegaa inay labaduba ahaayeen dilal si weyn loo qorsheeyey oo gacmo badan ka qeyb qaateen.