Sheekh Shariif Iyo Xukumadiisa Oo Ku Kala Jabay Fadeexadii Musuqa

1
511

shMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo golihiisa xukuumadda ayaa ku kala qaybsamay warbixintii ay guddiga la socodka cunaqataynta hubka Somaliya ku soo bandhigeen lunsiga lacago tiro badan oo lagu eedaynayo Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa hore u cambaareeyay warbixintaas oo uu ku tilmaamay mid been abuur ah, waxaanu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u diray qoraal uu kaga jawaabayo eedahaas musuqmaasuq oo ah lunsi lacag tiro badan, waxaanu sida ay wakaaladda wararka ee Reuters qortay qoraalkiisa ku sheegay inay warbixintaasi xambaarsantahay warar dacaayad ah oo lagu dilayo sumcadiisa. Hase yeeshe wasiirka qorhaynta ee dawladiisa Cabdillaahi Goodax ayaa shalay sheegay inay xukuumadda Raysalwasaaruhu soo dhawaynayso warbixintaas, waxaanu sheegay inaanay warbixintu xukuumadda u jeedin wax eedayn ah oo la xidhiidha lunsi hanta loogu tallo galay shacabka Somaliyed ee baahan.

Kala hadalka Madaxweynaha iyo xukumadiisa ayaa waxay banaanka u soo saaraysaa aragtiyaha Madaxweynaha iyo Raysalwasarihiisa Cabdiweli Maxamed Gaas, oo inkastoo isaga laftiisa warbixinta lagu eedeeyay haddana ay aakhirka isugu soo biyo shubanaysa Madaxweynaha.

Kooxda baadhitaanka samaysay ee ka socota Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in haddii uu golaha ammaanku ku qanco warbixintooda ay suurtogal tahay in Sheekh Shariif iyo cid kasta oo warbixintooda lagu magacaabay la saari doono cunaqaybatayn dhinaca socdaalka ah.

Comments are closed.